Milatariga Nigeria oo "57 xubnood ka dilay" Boko Haram

Image
Howlgalka ayaa ciidamada Nayjeeriya waxa ay la kulmeen xoogaa iska caabin ah oo ka imaanaysa argagixisada.

ABUJA, Nigeria – Ciidamada Nigeria ayaa dilay 57 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Jamā'at Ahl as-Sunnah lid-Da'wah wa'l-Jihād ee kooxda Boko Haram, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah taliyayaasha ugu sarreeya.

Ciidamada ayaa Sabtidii gudaha u galay mid ka mid ah xerooyinka fallaagada ee tuulada Gazuwa oo ka tirsan ismaamulka Bama ee gobolka Waqooyi Bari ee dhibaatada ka taagan tahay.

Xerada ay argagixisadu u bixisay magaca “Gazuwa ama Markas” (Xarunta Dhexe) oo hore loo oran jiray Gabchari, Mantari iyo Mallum Masari, ayaa waxaa ku sugnaa in ka badan 3,000 oo dagaalyahanno ah iyo qoysaskooda oo ka soo jeeda kooxda Boko Haram ee uu hoggaamiyo Abuubakar Shekau.

Howlgalka ayaa ciidamada Nayjeeriya waxa ay la kulmeen xoogaa iska caabin ah oo ka imaanaysa argagixisada. Balse ciidamada ayaa dagaal toos ah ku qaaday iyaga oo dilay 57 ka mid ah kuwa kalena ay ku qasbeen in ay baxsadaan.

Sida laga soo xigtay taliska ciidamada, iska horimaadka ayaa waxaa ku dhintay labo askari oo ka tirsan ciidamada isku dhafka ah ee rayidka.

Ciidamada ayaa burburiyay in ka badan 700 oo guri oo cooshado ka sameysan ah iyo gabaad ay argagixisadu ku noolaayeen, waxaana ay soo furteen dhowr mooto iyo hub.

Dhanka kale, argagixisadu waxay qoryahoodii u rogeen bartilmaameedyo jilicsan iyadoo tiro rayid ah  fallaagada Boko Haram ku dishay gobolka Borno.

Tani waxa sida lagu sheegay warbixin June 18, 2022 uu soo saaray Taliyaha Booliska ee gobolka, Mr Abdu Umar. Waxa uu warbixintan ka sheegay Maiduguri, oo ah caasimadda Borno, intii lagu guda jiray shir ay yeesheen dhinacyada amniga.

Gobolka Borno, oo xuduud la wadaaga Cameroon, Chad iyo Niger, isla markaana hoy u ah harada Chad, ayaa xudunta u ahayd fallaagada tan iyo 2009 markii Boko Haram ay ka curatay waqooyi bari. Ugu yaraan 120,000 oo qof ayaa la dilay, in ka badan lix milyan oo qof ayaa barokacay waxaana burburay kaabayaasha bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM