Milatariga Nigeria oo ka jawaabay "in ay qorsheyaan afgembi"

Image
Xukuumadda Abuja iyo xisbiyada ugu waaweyn ayaan wax hadal ah ka soo saarin hadalka ciidamada.

ABUJA, Nigeria - Militariga Nigeria ayaa beeniyay warar aad u baahay oo ku saabsan in xubnaha xisbiga talada haya ee ah inay qorsheynayaan inay carqaladeeyaan doorashada madaxtinimada ee soo socota.

Sarkaal ka tirsan xisbiga APC ayaa shaaca ka dhigay in jeneraalo ay todobaadkii hore kulan qarsoodi ah la yeesheen musharaxa madaxweynaha ee xisbiga PDP, Atiku Abubakar.

"Eedeymahan waa kuwa xun iyo xaasidnimo," ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada. Loolanka loogu jiro xilka madaxweynaha xiga ee dalka ugu dadka badan Afrika ayaa ah mid aad isha loogu hayo.

Saddexda musharrax ee ugu sarreeya doorashada 25-ka Febraayo ayaa kala ah: Bola Tinubu oo ka socda xisbiga talada haya ee All Progressives Congress, Atiku Abubakar oo ka socda xisbiga Dimuqraadiga Shacabka iyo Peter Obi oo ka socda xisbiga shaqaalaha.

"Ciidanka Qalabka Sida ee Nigeria weligood kama mid noqon doonaan shirqool kasta oo jaahilnimo ah oo lagu burburinayo dimoqraadiyadayada adag ee aan kasbanay," ayuu yiri afhayeenka Xarunta Difaaca Nigeria Brigadier General Tukur Gusau.

Dowladda iyo xisbiyada ugu waaweyn ayaan wax jawaab ah ka bixin hadalka ciidamada. Isku-dayo xirir oo la doonayay in wax looga waydiiyo sheegashooyinkan ayaanan guuleysan.

Sheegashada ciidanku in badan ayay shacabku iska indhatireen. Dadka diiradda saaray ayaa walwal badan muujiyey. Amni darro, shidaal yari iyo lacago cusub oo suuqa soo gashay ayaa sabab u ah walaacaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM