Milatariga Suudaan oo lagu eedeeyay dilka banaanbaxyaal

Image
Urur ay ku mideysan yihiin dhakhaatiir madax-banaan ayaa soo bandhigay tirokoob rasmi ah.

KHARTUUM, Sudan – Ciidamada ammaanka ee Suudaan oo ridayay rasaas nool nool iyo sunta dadka ka ilmeysiisa ayaa dilay shan ka mid ah dibadbaxayaasha afgambiga ka soo horjeeda, halka ay ku dhaawacmeen tobanaan kale intii lagu guda jiray howlgallada ka dhanka ah dibadbaxyada dimuqraadiga ah ee soo cusboonaaday, sida uu sheegay urur madax-bannaan oo dhakhaatiir ah.

Golaha Dhexe ee Dhakhaatiirta Suudaan ayaa Sabtidii xusay in afar qof ay ku dhinteen rasaas iyo mid ka mid ah sunta dadka ka ilmeysiisa gudaha caasimadda Khartoum, iyo magaalada mataanaha ah ee Omdurman.

Guddiga ayaa intaa ku daray in dad kale oo badan ay ku dhaawacmeen iyadoo dibad-baxayaashu ay la kulmayeen cadaadis xad dhaaf ah loona adeegsanayo dhammaan "noocyada xoogga, oo ay ku jiraan rasaas nool ".

Sida laga soo xigtey saxaafadda maxaliga ah, golaha ayaa tibaaxay in 18 jir iyo 35 jir ay ka mid ahaayeen dadka lagu dilay "rasaas ka timid golaha milatariga ee xukunka haya".

Ciidamada ammaanka ayaa xoog ku galay mid ka mid ah isbitaalada ku yaala Omdurman, waxaana ay xireen dhowr ka mid ah dhaawacyada, sida ay dhakhaatiirtu caddeeyeen.

Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay ciidamada ammaanka, balse al-Burhaan ayaa horay u sheegay in dibadbaxyo nabadeed la ogol yahay, ciidamaduna aysan dilin dibadbaxayaasha.

Dhowaan, ergeyga Qaramada Midoobay ee Suudaan, Volker Perthes, ayaa ku booriyay ciidamada ammaanka inay "is-xakameeyaan" inta lagu guda jiro mudaaharaadyada la qorsheeyay wuxuuna ugu baaqay dibadbaxayaasha inay "ilaajiyaan mabda'a mudaaharaad nabadeed".

Tan iyo markii ciidanka la wareegay talada, ugu yaraan 17 ka mid ah dibadbaxayaasha afgambiga ka soo horjeeda ayaa lagu dilay awood xad dhaaf ah oo ay sameeyeen ciidamada ammaanka ee dalkaasi, sida ay sheegeen dhakhaatiirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM