Milatariga Uganda: Weerarkii Buulo Mareer waxaa fuliyey ajaaniib

Image
Xukuumadda Kampala ayaa shaacisay in natiijada baaritaanka weerarkan ay la wadaageyso taliska ATMIS.

KAMPALA, Uganda - Milatariga Uganda (UPDF) ayaa sheegay in ay baarayaan weerarkii Jimcihii lagu qaaday saldhig ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin degmadda Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Afhayeenka UPDF, Felix Kulayigye, ayaa u sheegay wargeyska afka dheer ee The Nation Africa in weerarka ay ka danbeeyeen "muqaawamo shisheeye" isagoo aan bixin wax faahfaahin dheeri ah.

Kulayigye ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in ay "tafaasiisha macluumaadka ay la wadaagayaan" xarunta dhexe ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ka hor inta aysan soo saarin bayaan.

Dhanka kale, Dowladda Mareykanka ayaa si kulul waxay u cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen xerada ciidamadda Uganda ee qeybta ka ah ATMIS ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Washington ayaa tibaaxay in ay aad uga xun yihiin beegsiga saldhiga degmada Buulo-Mareer, waxaana uu tacsi u diray ehelada askarta dhimatay.

"Dowladda Mareykanka ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Buulo Mareer oo ay ku sugnaayeen ciidamada nabad ilaalinta Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS," ayuu yiri Matthew Miller.

Miller ayaa intaas ku daray: "Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaska iyo asxaabta dhibanayaasha waxaanan u rajeyneynaa caafimaad buuxa kuwa ku dhaawacmay. Mareykanka wuxuu bogaadinayaa geesinimada iyo naf-hurnimada ciidamada ka qeyb qaadanaya howlgalkan muhiimka ah".

"Waxaan ku garab taaganahay saaxiibadeena Soomaaliya iyo Midowga Afrika dagaalka lagula jiro jabinta argagixisada iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida dadka Soomaaliyeed," ayuu hadalkiisa intaas sii raaciyey.

Weerarkan ayaa waxa uu imaanaya xilli uu bilaha soo socda ay bilaabaneyso dhimista ciidamada Midowga Afrika taasoo qeyb ka ah bixitaanka guud ee bisha December, xagaaga 2024 taasoo Muqdisho ay kula wareegeyso amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM