MINUSMA: Howlgalka nabad-ilaalinta UN-ka ugu geerida caalamka

Image
In ka badan 300 oo ka mid ah nabad-ilaalinta ayaa sidoo kale la dilay tan iyo markii uu billowday howlgalka sannadkii 2013-kii.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa la dilay afar kalena waa la dhaawacay kadib markii ciidamadooda lagu weeraray waqooyiga Mali, sidda uu sheegay MINUSMA.

Dhacdadan ayaa ka dhacday meel u dhow magaalada Ber ee gobolka Timbouctou – waxaana deegaankaas uu noqday meel ay ka dhaceen rabshado tobankii sano ee la soo dhaafay.

MINUSMA – Hawlgalka xasilinta ee isku dhafka ah ee Qaramada Midoobay ee Mali – ayaa Twitter-ka ku caddeeyay in ciidamadda roondada ay markii hore la kulmeen walxaha qarxa ka dibna lagu beegsadey weerar toos ah.

Ma aysan magacaabin dambiilayaasha ka dambeeyay falkaas balse waxay tibaaxeen in uu ahaa "weerar adag" isla markaana uu xigay doona iska-hor-imaad dhaliyey waxyeelo.

Kooxo hubeysan oo qaarkood lala xiriirinayo Al-Qaacida iyo ISIL (ISIS), ayaa dagaallo ka wada waqooyiga Mali tan iyo markii ay aqbaleen fallaagada Tuareg sannadkii 2012-kii.

Rabshadaha ayaa ku fiday guud ahaan gobolka Saaxil ee hoos yimaada Saxaraha iyo meelo ka baxsan in kasta oo ay jiraan faragelin milatari oo caalami ah oo lagu caawinayo ciidamada maxalliga ah inay ka hortagaan.

In ka badan 300 oo ka mid ah nabad-ilaalinta ayaa sidoo kale la dilay tan iyo markii uu billowday howlgalka sannadkii 2013-kii, taasoo ka dhigaysa howlgalkii ugu dhimashada badnaa ee Qaramada Midoobay ee nabad-ilaalinta caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM