Miyay tani tahay sababta dhabta ah ee keentay burburka diyaaradii Itoobiya?

Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Baarayaasha gacanta ku haya kiiska burburka diyaaradii Ethiopian Airlines ayaa gaarey gabagabo horudhac ah, sidda uu jaraa’idka Wall Street Journal uu kasoo xigtay dad xog ogaal u ah arrintaasi.

Musiibadii dhacday 10-kii bishaan Maaj taasoo ay ku dhinteen 157 oo saarnaa diyaarada oo ay ku jiraan lix Soomaali ah ayaa sababay su’aallo badan oo ku foorafara badqabka hooyada duliimaadka Afrika.

Saraakiisha ayaa rumeysan in matoorka qaabilsan joojinta socodka diyaarada uu daarnaa kahor inta aysan dhulka kusoo dhicin lix daqiiqo kadib markii ay kasoo duushay madaarka.

Mas'uuliyiinta ayaa sidoo kale u sheegay wakaalada wararka Reuters in macluumaadkaan laga helay sanduuqa madow ee diyaaradda duulimaadkeedu ahaa 302 kuna sii jeeday caasimada Kenya.

"Warbixinta horudhac ah waxaa la faafin doonaa todobaadka soo aadan," ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha, kaasi oo sababo ah in aan loo ogolayn la hadalka war-fidiyeenka u khariyay magaciisa.

Tan iyo markii uu dhacay shilkaasi qaar kamid ah dalalka ugu horumarsan caalamka ayaa joojiyay adeegsiga diyaaradaha ay farsameyso shirkada reer Mareykan ee Boeing 737 MAX, sababo ku aadan badqabkeeda oo liita.

Si lamid ah waxaa dhashay waydiimo ku aadan waayo-arag xumi iyo tababar la’aanta duuliyihii diyaarada burburtay, kaasi oo la sheegay in uu ku guda jiray waayihiisii ugu horeeyay ee duulinta diyaaradaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM