Morroco oo u ciqaabtey Sweden ninkii gubay Kitaabka Qur'aanka

Image
Xukuumadda Rabat ayaa u yeertay safiirkeeda u fadhiyey Stockholm muddo aan la cayimin.

RABAT, Sweden - Marooko ayaa u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay Sweden muddo aan la cayimin ka dib markii nin uu jeexjeexay oo ku gubay qur’aanka kariimka ah bannaanka masaajid ku yaalla magaalada Stockholm, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dalkaasi.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Marooko ayaa sidoo kale u yeertay siihayaha safaaradda Sweden ee Rabat subaxnimadii hore ee Khamiista, waxayna muujisay sida ay boqortooyada u cambaareynayaan weerarkan iyo diidmada ay u hayaan falkan aan la aqbali karin.

Booliska Sweden ayaa markii ugu horeysay ogolaaday in nin xagjir ah uu gubo qur’aanka kariimka ah, waxaana markii dambe ay bilaabeen baaritaan ku aadan hadalada naceybka ah.

Markii ay carada sii korortay, booliisku waxay sheegeen in ay bilaabeen baaritaan ku saabsan hadallo naceyb ah oo ka dhan ah ninka weerarka geystay oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Ciraaq.

Shaqsigan ayaa masjid ku yaalla xaafadda Sodermalm ee magaalada Stockholm ku gubay nuqul ka mid ah qur’aanka kariimka ah hortiisa, xilli muslimiinta caalamka ay u dabaaldegayeen munaasabadda Ciidul Adxaa.

Go’aanka ay Marooko dib ugu yeertay ergayga ayaa yimid kadib markii wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan uu ku tilmaamay wax la quudhsado in la gubo bogaga kitaabka barakeysan ee Islaamka.

"Waa wax aan la aqbali karin in la ogolaado falalkan ka dhanka ah Islaamka iyadoo lagu marmarsiyoonayo xorriyadda hadalka," ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ku soo qoray Twitter. "In indhaha laga qarsado falalka guracan ee noocan oo kale ah waa in la sii adkeeyo."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM