Mucaaradka Jabuuti oo digniin culus kasoo saarey heshiiska Eritrea

Image
Image
Image

JABUUTI - Inkastoo mucaaradka uu soo dhaweeyay dadaaladda lagu heshiisiinayo Jabuuti iyo Eritrea, ayaa haddana waxa uu uga digay Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle inuu ku deg-dego qaabka lagu soo afjarayo colaada labadda dal.

Wasiiro arrimo dibadeedyadda Ethiopia iyo Soomaaliya oo uu wehliyo midka Eritrea ayaa todobaadkii hore booqasho lama filaan ku tegay Jabuuti, iyaga oo kala soo hadlay soo gabagabeynta xiisadaha.

Heshiis la sheegay inuu horudhac uyahay dadaaladda lagu soo gabagabaynyo colaadda labada dal ayey Magaalo madaxda Jabuuti kusoo saxiideen dhinacyadda, waxaana soo dhaweeyay arrintaasi sjhacabka labada dal.

Cabdiraxmaan Maxamed Geelle, oo kamid ah hogaanka mucaaradka ee Jabuuti ayaa sheegay in arrimaha socda ay jiraan waxyaabo kale oo "ka qarsoon" Madaxwaynaha Jabuuti, taasoo uu sheegay inay tahay in la cadeeyo.

Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayuu uga mahad-celiyey siday isugu howleen inay soo afjaraan colaadaha haatan socda, wuxuuna cod dheer ku qeexay inay tahay talaabado nabad iyo xasilooni ukeenaysa gobolka.

"Hadii aysan jiri lahayn arrimo qarsoon, muxuu shirku uga dhici waayey Addis Ababa, sababtoo ah waxaa la ogyahay in Ismaaciil Cumar Geelle tegi karin Asmara; Maxaase Jabuuti loogu dari waayey Gollaha Nabada ee Eritrea lagu soo dhisay," ayuu Cabdiraxmaan Geelle u sheegay VOA-da.

Jabuuti iyo Eritrea oo ay colaado ka dhaxaysay tan iyo sanadkii 2008-dii ayaa isku haya lahaansha dhul ku yaala xuduudka ay wadaan labaddaan dal, laakiin dadaalada ay wadaan dalalka Geeska Afrika ayaa la odorsayaa inay soo gabagabayn karto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM