Mudaneyaal loo xukumay in ay haraantiyeen Xildhibaanad uur leh

Image
Sharci-dejiyeyaasha ayaa sidoo kale waxaa lagu ganaaxay aduun dhan $8,100 oo magdhow ah.

DAKAR, Senegal - Labo mudane oo ka tirsan mucaaradka Senegal ayaa lagu xukumay lix bilood oo xarig ah ka dib markii ay caloosha ka laaden Xildhibaanad uur lahayd xilli ay socotay dood miisaaniyadeed.

Sharci-dajiyayaasha oo muddo la raadinayey si gacanta laamaha ammaanka u soo galaan ayaa haraantiyey Amy Ndiaye kadib markii ay dhaleeceysay wadaad diimeed mucaarad ah.

Garsooraha ayaa sidoo kale waxa uu ku amray Mamadou Niang iyo Massata Samb inay siiyaan Marwo Ndiaye aduun lacageed dhan  shan milyan oo CFA faran ($8,100; £6,750) oo magdhow ah.

Dhacdadan oo muuqaalka laga duubay si weyn ugu faafay baraha bulshadda ayaa si weyn loo cambaareeyay waxaana ay dhalisay dood ku saabsan xuquuqda haweenka.

Muuqaalka ayaa muujiyey Mr Samb oo u sii socda Ms Ndiaye oo uu dharbaaxay intii ay socotay doodda miisaaniyadeed ee caadiga ahayd 1-dii bishii hore ee Disembar.

Dabadeed way ka aargoosanaysaa iyadoo tuurtay kursi, laakiin isla markaas waxaa caloosheeda ka laaday Xildhibaanka kale. Buuq ayaa dhashay iyadoo xildhibaanno kale ay isku dayayaan inay xaaladda dejiyaan.

Xiisad ayaa ka taagneyd baarlamaanka Senegal tan iyo markii ay dowladda talada haysa ay si lama filaan ah u lumisay aqlabiyadda golaha kadib doorashooyinkii sharci dejinta ee bishii Luulyo ee sannadkii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM