Museveni: Kama noqonayo saxiixa sharciga ka hortagga khaniisnimada

Image
Madaxweynaha Uganda ayaa si kulul u canaantey Beesha Caalamka ee ka dalbatay in uu baabi'iyo sharcigan.

KAMPALA, Uganda - Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa ku canaantey caalamka sidda ay uga soo horjeedaan sharci ka dhan ah khaniisiinta oo todobaadkan uu qalinka ku duugay.

Mr Museveni ayaa ku adkeystay in saxiixa sharcigan uu ahaa dood soo gabagabowdey, isagoo qashinka ku duray baaqyo isa-soo-tarayay oo ahaa in la baabi'iyo.

"Saxiixa sharciga ka hortagga Khaniiska waa la dhameeyay, qofna nagama dhaqaajin doono, waa inaan u diyaargarownaa dagaal," ayuu ku yiri hadal uu soo saaray kaddib kulan uu la qaatay xubno ka tirsan xisbigiisa National Resistance Movement (NRM).

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Museveni ayaa intaas sii raaciyey: "NRM waligeed ma yeelan laba luuqad, waxa aan kuu sheegayno maalintii waa waxa aan ku nidhaahno habeenkii".

Dhawaqa hogaamiyahan xukunka ku raagay ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay cambaaraynayeen dalalka reer galbeedka iyo kooxaha xuquuqul insaanka.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dhaleeceeyay sharcigan oo uu ku tilmaamay "xadgudub naxdin leh oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha" wuxuuna ku baaqay in la tirtiro, isagoo intaa ku daray in Washington ay soo rogeyso cunaqabateyn.

Midowga Yurub iyo madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sidoo kale cambaareeyay sharciga, waxaana ay dalbadeen in si degdeg ah looga laabto lana baabi'iyo.

Saxiixa sharciga ayaa la sameeyay ka dib markii baarlamaanka uu si wadar-ogol ah ku meelmariyey taasoo ay ammaan kala kulmeen dadweynaha iyo qaar kamid ah dowladaha Islaamka.

Sharciga ayaa waxa uu xeerinaya in xabsi daa'in lagu xukumi doono qof kasta oo lagu helo fal-dambiyeed la xiriira qawma-luudnimada iyo kufsi loo geystay qof kasta oo da'diisu ka yar tahay 18-sano jir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM