Museveni oo "laga reebay" martida shirka Maraykanka iyo Afrika

Image
Uganda ayaa dhawaan ku eedeysay reer galbeedka gaar ahaan dowladda Mareykanka inay faragelin ku heyso arrimaheeda guddaha.

KAMPALA, Uganda – Guddoomiyaha guddiga senate-ka Mareykanka u qaabilsan xiriirka dibadda, Robert Menendez’ ayaa ka dalbaday madaxweyne Joe Biden inuu ka laabto casuumaad uu u fidiyay madaxweyne Museveni ka hor kulanka Hogaamiyeyaasha Mareykanka iyo Afrika ee sanadka 2022-ka, sababo la xiriira ku xadgudubka xuquuqda aadanaha ee Uganda.

Menendez ayaa soo jeediyay in la xisaabtamo wiilka Museveni oo ah Taliyaha Ciidamada Dhulka ee UPDF, Lt Gen Muhoozi Kainerugaba, oo lagu eedeeyay inuu ka qeyb qaatay jirdilka qoraaga Kakwenza Rukirabashaijja.

Waxa uu sidoo kale ku andacoonayaa in Museveni uu mar walba ku lug leeyahay jirdil, gacan ka hadal, iyo xarig sharci darro ah si uu u ciqaabo dadka dhaleeceeya oo uu meesha uga saaro khilaafka.

Madaxweyne Museveni, ayaa lagu eedeeyay in uu doorashooyinka guud ee 2021 ka dhacay Uganda uu ku shugtay isla markaana uu jirdilay musharixiintii la tartami lahaa.

Guddoomiyaha guddiga senate-ka Mareykanka u qaabilsan xiriirka dibadda, Robert Menendez’ ayaa sidoo kale sheegay in Museveni loo haysto jir dil uu geystay Taliyaha Ciidanka Dhulka Muhoozi Kainerugaba.

Taliyaha Ciidamada Dhulka ee UPDF ayaa dhawaan sheegay in uusan garanayn cidda uu yahay Kakwenza.

Madaxweyne Museveni ayaa sidoo kale loo haystaa in uu laba jeer oo hore uu beddelay dastuurka si uu xukunka u sii hayo, uu xaddido hannaanka dimuqraadiyadda, musuqmaasuq baahsan, oo uu bulshada rayidka ah iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadda u geystay xadhig sharci-darro ah, rabshado, iyo jirdil iyada oo aan la ciqaabin.

Menendez ayaa hadda doonaya in Maraykanku uu cunaqabatayn ku soo rogo dhammaan saraakiisha Uganda ee ku lugta leh xadgudubyada xuquuqul insaanka, lagana mamnuuco saraakiisha ciidamada nooc kasta oo tababar ah oo ay ka qaataan ciidamada Maraykanka, iyo in la cunaqabateeyo kuwa gacanta ku haya xabsiyada lagu dhibaateeyo dadka reer Uganda.

Uganda ayaa dhawaan ku eedeysay reer galbeedka gaar ahaan dowladda Mareykanka inay faragelin ku heyso arrimaheeda guddaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM