Museveni oo sheegay in weerarkii Buulo Maraar looga dilay 54 askari

Image
Al-Shabaab ayaa dhankeeda waxay shaacisay in tiro ka badan 130 askari ay ku laysay falkaas.

KAMPALA, Uganda - Madaxweynaha dalka Uganda, Yuweri Museveni, ayaa ku dhawaaqay in 54 askari looga dilay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya.

Hadalka Museveni Sabtidii ayaa imaanaya todobaad kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga degmada Buula-mareer oo 130-km Koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Kooxda hubaysan ee gacansaarka la leh shabakada argagixisada caalamiga ah ee Al-Qaacida ayaa sheegatay inay fulisay weeraro ismiidaamin ah 26-kii May ayna ku dileen 137 askari.

Museveni ayaa Sabtidii waxa uu caddeeyay in ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) ay tan iyo markii weerarku dhacay ay dib ula wareegeen saldhigga kooxda hubeysan ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

"Askarteenu waxay muujiyeen adkeysi cajiib ah waxayna sameeyeen dib isu habeyn buuxda, taasoo keentay in dib loo qabsado saldhigga Talaadadii," ayuu yiri madaxweynaha.

Musaveni ayaa todobaadkii hore qiray inay jiraan khasaarooyin kasoo gaaray ciidamada Uganda, balse ma uusan bixin faah faahin dheeri ah oo ku saabsan weerarka lagu dilay ciidamadaasi, ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

ATMIS oo ka kooban 22,000 oo askari ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka caawinaya dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab tan iyo sanadkii 2022-kii markaasoo oo la badalay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM