Mustafa oo fahfaahiyay kulan uu la qaatay saraakiisha Liyuu Boolis

Image
JIG JIGA- Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafa Maxamed Cumar ayaa fahfaahin ka bixiyay kulan uu la yeeshay saraakiisha goboladda ee ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Liyuu Boolis.
 
Kulanka oo ka dhacay xarunta degaanka ee Jigjiga ayaa diiradda lagu saarey amaanka, soo celinta kala dambeynta, iyo shaqaaqooyinkii ugu dambeeyay ee gobolka ka dhacay kuwaasoo sababay kahsaarooyin Hantiyadeed iyo waliba mid Nafeed.
 
Madaxwayne Cagjar oo kulanka kadib soo dhigay boggiisa rasmiga ah ee Twitter qoraal kooban oo kulankaan ku saabsan ayaa shaaca ka qaaday inuu kusoo dhamaday shirkooda si wanaagsan, ayna isla meel-dhigeen dhamaan qodobadda ay ka wada hadleen.
 
Wuxuu carabka ku dhuftay in saraakiisha Liyuu Boolis ay u balanqaadeen isaga inay xushmayn doonan sharafta dadka iyo dhulka Soomaali Galbeed, islamarkaana ay ka fogaan doonan dhamaan wax walba oo u keenaysa hoos u dhaca degaanka.
 
Kulankaan gaarka ah oo uu Cagjar la yeeshay saraakiisha Liyuu Boolis ayaa daba socda kulamo uu horey ula yeeshay Madaxwaynaha Taliska ugu sareysa ciidanka, kuwaasoo uu kala hadlay sidii looga gudbi lahaa wax kasta oo horey usoo dhacay.
 
Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ka socda isbedal si xowli ah ku socda, kaasoo yimid kadib markii Milatariga Federaalka ay si xoog ah ku qabsadeen Jigjiga bishii hore, iyaga oo xabsi dhigay Madaxwaynihii hore ee DDSI, Cabdi Ilay iyo Lix xubnood oo lasoo shaqaysay.
 
Madaxwayne Cagjar ayaa isbedalo ku sameeyay hogaanka Hay'addaha amaanka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, isaga oo umagacaabay Taliyaal cusub, taasoo ka dambeysay markii intii uu jiray maamulkii Cabdi Illay ay geysteen Xad-gudubyo ka dhan ah Aadanaha.
 
GAROWE ONLINE 

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM