Mustaqbalka Ciidamada Liyuu Boolis oo war laga soo saarey

Image

JIGJIGA - Taliska ciidanka Federaalka ee dowladda Itoobiya ayaa gaashaanka ku dhuftay warar leysla dhex-maryo, oo ku saabsan in la kala dirayo ciidamada gaarka u ah dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee loo yaqaan Liyuu Boolis.

Sarkaal aanan magaciisa la shaaciyay oo ay soo xigatay Jariiradda Addis Standard ee kasoo baxa gudaha dalka Itoobiya waxa uu ka dhawaajiyay ciidamadda ay sii jiri doonan, islamarkaana aanan hadda qorshaha ugu jirin arrimaha la sheegayo.

Wuxuu tilmaamay in ciidamadda ay qayb ka yihiin kuwa u diiwaan-gishan dowladda Itoobiya, aanan hadda jirin sababo ku qas-beysay inay kala diraan, inkasta oo uu qiray inay jiraan cabashooyin dhowr ah oo ay kasoo gudbiyeen dadka degaanka.

"Waxba kama jiraan warka ku saabsan in la kala dirayo ciidamadda Liyuu Boolis. Waxaan aragnaa inay yihiin kuwa muhiim u ah amaanka gobolka Soomaalida Itoobiya, waana ciidamo sharciyeysan oo kuwa qaranka ka tirsan," ayuu yiri sarkaalka.

Hadalka kasoo yeeray Taliska ayaa kusoo beegmayaa xili xiisad ay ka jirtay maalmihii udambeeyay degaanada hoos-yimaada DDSI taasoo sababtay inuu is-casilo Madaxwaynii hore ee degaanka, Cabdi Maxamuud Cumar.

Ciidamada Liyuu ayaa la unkay markii uu dowlad deegaanka Soomaalida majaraha u qabtay Madaxweynihii dhowaan xilka baneeyay ee Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana tirada ciidamadaan lagu sheegayaa inay tahay 45,000 [45-kun] oo askari.

Warka kala diridda ciidamadda ayaa waxaa markii ugu horeysay baahiyay Telefeshanka rasmiga ah ee dowladda Itoobiya, kaasoo loo yaqaan ETV, taasoo sababtay inuu durbadiina si xowli ugu faafo dhulka Soomaalida, wallow haatan ka beeniyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM