Mareykanka iyo Ingiriiska oo muwaadiniin looga dilay weerarkii Hotel-ka Nairobi

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Mas'uul ka tirsan wasaarada arrimaha dibada Mareykanka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in Muwaadin Ameerikaan uu kamid ahaa dadkii lagu dilay weerarkii lagu qaaday Hoteelka ku yaala caasimada Kenya.

Sidoo kale, dowladda Ingiriiska ayaa xaqiijiysay in muwaadinin dalkeeda kasoo jeeda uu kamid yahay dadka weerarka lagu dilay.

Weerarkaan oo ay fuliyeen afar ruux oo mid kamid ah uu is-qarxiyay ayaa lagu beegsaday dhismaha Riverside gaar ahaan Hoteelka Dusit-ka 2aad, kaasi oo ku yaala degmada Westland ee magaalada Nairobi.

Inta la xaqiijiyay 15 ruux oo shacab u badan ayaa ku geeryootay, halka ay ku dhaawacmeen 35 kale, kuwaasi oo la dhigay goobaha caafimaadka, iyada oo wararku ay sheegayaan inay ku jiraan qaar halis ah.

Dadka dhintay waxaa kamid ahaa labo muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay Faysal iyo Cabdullaahi, oo xiliga uu weerarku dhacayay ku sugnaa Hoteelka.

Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Ururka Al-Qaacida ayaa dhabarka saaratay mas’uuliyadda, iyadda oo tilmaamtay inay ku khaarijisay 47 ruux, inkasta oo tiradaasi aysan xaqiijin dowlada Kenya.

Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkaan, iyadda oo midnimo umuujisay qaranka Kenya oo ay lasoo dareystay mid kamid ah dhacdooyinkii ugu dambeeyay oo ay Al-Shabaab ka fulisay gudaha dalkaas.

Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa waxay caan ku tahay safaaradaha, iyadda oo ay si lamid ah tahay meesha ugu badan oo ay dadka ushaqo doontaa, waxaana sicirka Hoteelada ay yihiin kuwa aad qaali u ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM