Muxuu yahay shirka Mareykanka u qabanayo madaxda Afrika?

Image
Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa shaaciyey shir madaxeedkan.

WASHINGTON, USA – Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, oo booqashadiisii ​​ugu horreysay ku tegay dalka Nigeria, ayaa khudbad muhiim ah oo ku saabsan Siyaasadda Maraykanka iyo Afrika u jeediyey Waddamada ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (ECOWAS).

Kulankaas ayaa dublamaasiga ugu sarreeya Maraykanka waxa uu kaga dhawaaqay in Maraykanku uu martigelin doono shir madaxeedka madaxda Afrika si loo sii qoto dheereeyo xiriirka qaaradda.

Blinken ayaa hadalkan kaga dhawaaqay Jimcihii xarunta ECOWAS ee Abuja, caasimadda Nigeria – waa booqashadii labaad ee uu ku tago tan iyo markii uu toddobaadkan bilaabay socdaalkiisa saddex waddan oo Afrikaan ah.

Blinken ayaa yiri "madaxweynaha Mareykanka waxa uu damacsan yahay in uu martigeliyo shir madaxeedka Mareykanka iyo Afrika si loo dhaqaajiyo diblumaasiyad heer sare ah iyo wada shaqeyn taasoo suurtagelin karta iskaashi wax ku ool ah."

Ma uusan bixin wax tafaasiil ah oo ku saabsan goorta iyo goobta uu ka dhici karo shir madaxeedka.

Maalintii Khamiista, ka dib markii uu kulan la qaatay Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari iyo madaxda ugu sareysa dowladda, Blinken iyo wasiirka arrimaha dibadda Nigeria waxay kala saxiixdeen heshiis uu Mareykanka ku siinayo Nigeria $2.1 bilyan oo lagu taageerayo daryeelka caafimaadka, waxbarashada, beeraha iyo dowlad wanaaga.

Blinken ayaa safarkiisa Afrika ka bilaabay Arbacadii magaalada Nairobi, wuxuuna ku soo gabagabeyn doonaa booqasho uu ku tagi doono magaalada Dakar ee dalka Senegal, halkaasoo uu kula kulmi doono Madaxweyne Macky Sall.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM