Nairobi: Dumar Soomaali ah oo lagu qabtay hal milyan oo doolar

Image
Lama oga halka ay u wadeen ama ka keeneen lacagta caddadkaasi dhan.

NAIROBI, Kenya - Dhawr dumar Soomaali ah ayaa lagu waramay in lagu xirey garoonka Jomo Kenyatta ee dalka Kenya kadib markii boorsooyinkooda laga heley lacag dhan hal milyan oo doolar oo caddaan ah.

Dumarkan ayaa Jimcihii kasoo duulay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxayna la socdeen diyaaradda Ethiopian Airlines duulimaadka tirsigiisu yahay ET318.

Sida ay faafisay warbaahinta Kenya, haweenkan ayaa lagu kala magacaabaa Hafsa Warsame, Carfoon Cabdi Xasan, Sahra Axmed Cumar, Xabiibo Cabdi Xasan iyo Hodan Maxamed.

War kasoo baxay wakaaladda canshuuraha Kenya ayaa lagu sheegay in markii hore hore shaashadaha wax lagu baaro laga arkay waxyaabo lacag u eg oo ku jira boorsooyinka, kadibna markii la baaray laga heley lacag badan oo doolar ah oo ku rasaysan boorsooyinka.

Lama oga halka ay u wadeen ama ka keeneen lacagta caddadkaasi dhan.

Sharciyada adduunka ayaa dhammaantood mamnuucaya in uu qofka la safro wax ka badan $10 kun oo doolar isaga oo aanan haysanin ogolaansho, waxaana arrintan ka yaala sharciyo caalami ah.

Shuruucda ayaa looga hortagayaa kala wareejinta lacagaha si aanan fursad loo siinin kooxaha dambiilayaasha iyo argagixisada oo iyagu jecel in ay adeegsadaan lacagaha caddaanka halkii ay adeegsan lahaayeen bangiyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM