Nigeria: 187 qof oo afduub lagu heystay oo lasoo badbaadiyay

Image

ABUJA, Nigeria - Mid ka mid ah xorayntii ugu weyneyd ee dhibbaneyaal afduub lagu heystay ayaa ka dhacday waqootiga dalka Nigeri, kadib markii la soo badbaadiyay ugu yaraan 187 qof oo ay ku jiraan carruur, sida ay xaqiijiyeen booliska gobolkaas.

Ciidamada ammaanka ee Nigeria ayaa ka soo badbaadiyay la haystayaasha kayn ku taalla gobolka Zamfara, halkaas oo ay ku jireen toddobaadyo badan, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray afhayeenka booliiska Zamfara Mohammed Shehu.

Wuxuu sheegay in si shuruud la’aan ah lagu sii daayay, taas oo muujinaysa in aan la bixin wax madax furasho ah.

La haystayaasha ku sugan Zamfara ayaa la sii daayay khamiistii taas oo ka dhalatay “hawlgallo baadi-goob iyo samatabbixin ballaaran,” waxaana gacan ka geystay tallaabooyinka lagu sugayo amniga oo ay ka mid yihiin xiritaanka shabakadaha taleefoonnada gacanta, yareynta isu imaatinnada iyo dhaqdhaqaaqyada gobolka Zamfara, sida uu sheegay Shehu.

Hay'adaha amniga Nigeria ayaa sii wadi doona shaqada "si loo hubiyo soo noqoshada nabad waarta iyo amniga gobolka," ayuu sii raaciyay bayaanka afhayeenka Booliska.

Dadkan ayaa waxaa afduubtay burcad hubaysan oo ka howlgasha keymaha fog ee waqooyi -galbeed Nigeria, imaga oo mootooyin ku weerara tuulooyinka miyiga ah halkaas oo ay ka geystaan dil, kufsi iyo qafaal.

Burcaddan ayaa inta badan isticmaashaa hub ka casrisan kan militariga Nigeria, sida uu sheegay Cabdulcasiis Yari, oo ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka Zamfara, swuxuuna sheegay inay soo rideen diyaarad dagaal oo ay leeyihiin militariga Nigeria oo ku gobolkaas oo sidoo kale ah xuddunta dhibaatada afduubka Nigeria.

AP

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM