Nigeria: In ka badan 10 qof oo ku dhintey doon qalibmatay

Image
Dadka la socdey donna ayaa u badnaa haween kusii jeeday suuq ay ka shaqeystaan.

ABUJA, Nigeria - Saraakiisha gurmadka deg dega ah ee Koonfur Bari Nigeria ayaa Sabtidii sheegay in 10 qof ay dhinteen in ka badan 60 kalena la la'yahay ka dib markii ay degtay doon ay saarnaayeen rakaab.

Saraakiishu waxay sheegeen in doonida oo si wada jir ah ay u saarnaayeen 85-ruux ayna ku sii jeeday suuq ku yaalla deegaanka, kaddib markii ay soo wajahday cilad dhanka korontada ah.

Hay'adda maaraynta xaaladaha degdegga ah ee gobolka Anambra ayaa sheegtay fiidnimadii Sabtida in shan iyo toban qof ilaa hadda la soo badbaadiyay iyagoo nool.

Saraakiisha ayaa sheegay in shilkan uu ka dhacay deegaanka Ogbaru ee ismaamulka Ogbaru kadib markii uu ciladoobay matoorka doonida. Rakaabkii doonida la socday ayaa u badnaa haween suuqa ku jiray oo shaqo u socday.

Daadad xooggan ayaa qariyay waddooyinka aaggaas, taasoo ku qasabtay dadka deegaanka inay la raacaan doomo. Paul Nwosu, waa Guddoomiyaha Warfaafinta ee gobolka Anambra. Wuxuu tacsi u diray ehelka dadka dhintey.

Gobolka Anambra ayaa ka mid ah gobollo badan oo Nigeria ah oo laga soo sheegay daadad xooggan. Biyuhu waxa ay xaaqeen guryihii iyo dhul-beereedkii, iyaga oo dhaawacaya kaabayaasha muhiimka ah sababayna dhimasho.

Bishii Luulyo, 17 qof oo meyd ah ayaa la helay ka dib markii ay dooni ku degtay xarunta ganacsiga ee Nigeria, Lagos, xilli roobab xooggan ay ka da'een.

Mas'uuliyiinta degaanka ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in khasaaraha weyn ee dalagyada kasoo gaaray fatahaadda ay sare u qaadi karto qiimaha cunnada ee dal ay malaayiin horay uga jirtay xaalad cunto yari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM