Nigeria: In ka badan 100 ruux oo lagu dilay weerar gaadmo ah

Image
Mas'uuliyiinta gobolkaasi ayaa ku adkeystay in tirada dhimashadda ee saxda ah aan la ogeyn.

ABUJA, Nigeria - In ka badan 100 qof ayaa la dilay kadib markii maleeshiyaad ay weerar ku qaadeen tuulo ay ku sugnaayeen oo ku taalla waqooyiga Nigeria, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Mas'uuliyiinta gobolkaasi ayaa ku adkeystay in tirada saxda ah aan la ogeyn. Tani waxay ka dhigan tahay baaritaan ay ku wadaan waxyeeladda guud ee weerarkan uu geystay.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay BBC News Hausa in weerarka uu socday "in ka badan 48 saacadood" una dhaxeeyay kooxaha feejigan iyo "burcada" tan iyo Khamiistii todobaadkii hore.

Dagaalka ayaa ka dhacay magaalada Bakori ee gobolka Katsina, waxaana mas’uuliyiinta halkaas ku sugan ay ku dhawaaqeen baaritaan Jimcihii, sida laga soo xigtey warbixinta.

Dowladda Nigeria ayaa wafdi u dirtey aagga ay wax k dhaceen oo ay ka bilowdeen munaasabado loogu baroor-diiqayo dadka ay waxyeeladda soo gaartey iyo kuwa geeriyoodey.

Xoghayaha dawladda hoose ee Katsina, Alhaji Muntari Lawa,l ayaa la wariyey in uu u sheegay dadka degaanka in aanay "sugin dawladda kuna dhiiraadaan in ay iska-dulqaadaan manaxayaasha".

Nigeria ayaa kamid ah wadamadda Afrika ee rabshadaha ugu badan ee burcadda ay ka dhacaan. Dhacdadan ayaa kusoo hagaagaysa xilli doorasho qorshuhu yahay in ay ka dhacdo dalkan dhaqaalaha badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM