Nigeria: In ka badan 30 qof oo lagu dilay iska-hor-imaad fool-xun

Image
Isku-dhacan hubeysan ayaa waxa uu u dhaxeeyay xoolo dhaqato iyo beeraley.

ABUJA, Nigeria - In ka badan 30 qof ayaa lagu dilay iska-hor-imaad dhexmaray xoolo dhaqato iyo beeraley oo ka dhacay bartamaha gobolka Plateau ee dalka Nigeria, sidda uu sheegay sarkaal maxalli ah iyo qaar kamid ah xubnaha dadka degaanka aaggan.

Gobolkan ayaa sanado badan la halgamayay rabshado isir iyo diineed. Dowladda Nigeria waxaa lagu dhaliilay in ay ku guuldareystay in ay si muuqata ula tacaasho dhacdooyinkan.

"Dhacdadu waxay saamaysay in ka badan 30 qof; way ku naf waayeen," ayuu guddoomiyaha warfaafinta iyo isgaarsiinta ee gobolka Plateau Dan Manjang u sheegay wakaaladda wararka ee AFP Talaadadii.

Booliiska ayaa caddeeyay in rabshadaha u dhexeeya xoolo-dhaqatadda iyo beeraleyda ay ka dhaceen tuulooyin kala duwan oo ku yaalla Bwoi, oo ka tirsan degmada Mangu.

"Abaarihii 11:56 subaxnimo, waxaa la soo wacay taleefoon murugo leh," ayuu afhayeenka bilayska Alfred Alabo yiri, isagoo sheegay in rag hubeysan ay "si teel teel ah u toogteen dadka".

Sidda laga soo xigtey afhayeenka, ciidamo dheeraad ah ayaa loo diray meesha ay wax ka dhaceen si ay u xakameeyaan xaaladda isla markaana ay u baac-sadaan dambiileyaasha.

Rabshadaha ka dhacay waqooyi-galbeed iyo bartamaha Nigeria waxay ka soo bilowdeen dilal fool-xun oo isu beddelay dambiyo ballaaran, iyadoo kooxo aad u hubeysan ay weerarro ku qaadeen tuulooyinka iyagoo u geysanaya weerarro, afduubyo wadareed iyo dhac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM