Nin maxkamad loosoo taagay saadaalinta geerida madaxwayne

Image

NAIROBI, Kenya - Nin kabo caseeye ah ayaa Isniinta maanta ah maxkamad loosoo taagay kadib markii uu sheegay in Madaxwaynaha Kenya ee Uhuru Kenyatta uu ku geeriyoon doono muddo sideed maalmood guhadooda.

Wilson Mwangi Macharia, kaasoo umuuqda mid ku mayal adag saalintiisa, ayaa u sheegay xeer-beegtida in geerida madaxwaynaha ay u sheegeen “ruuxaan barakeysan".

"Aniga ma ahi qof waalan oo u baahan daaweyn, ruuxaanta barakeysan ayaa ila hadashay," ayuu Macharia yiri.

Dacwad oogayaasha ayaa lagu qasbay in ay waydiistaan maxkamada ogolaansho ay tijaabooyin caafimaad ah oo dheeraad ah ugu sameeyaan Macharia.

Sida laga soo xigtay warbixinada maxkamada, Macharia ayaa lasoo xiray bishii hore isaga oo meel fagaaro ah ka oronaya: "Uhuru wuu dhiman doonaa hadii uu ku guuldareysto in uu ALLE u dhawaado isaga oo inaga nasoo maraya kahor 19-ka March, 2019."

Markii lasoo qabtay ninkan, waxaa loo dhaadhiciyey saldhig Boolis oo su'aallo lagu waydiiyay kahor inta aan Maxkamada lasoo taagin.

Ninkaan oo la sheegay in uu qabo xanuunka dhimirka tan iyo caruurnimadiisa ayaa ah wiilka Shanaad ee qoyskiisa.

Isaga waxaa laga joojiyay in la geeyo xarumaha dadka lagu karantiilo sanadkii 1986-dii, taasoo keentay in uu si joogto ah u miyir-daboolmo.

Walaalkiisa John Kinyanjui ayaa xaqiijiyay in Macharia uu diiday in uu raadsado daryeel caafimaad, inkasta oo qoyskiisu isku dayeen in ay geeyaan.

Kinyanjui ayaa tibaaxay in walaalkiisa uu bilaabay dabeecadaha noocaan ah 2000-kii, markaasoo uu si lamid ah bilaabay in uu sheegto inuu yahay Nebi.

Sheekooyinka layaabka leh ee laga diiwaan-geliyay waxaa kamid ah in uu qoyskiisa soo bandhigay warqad uu ku tilmaamay in uu ALLE u qoray.

Xaaskiisa oo la dhaqmi waysay ayaa ka tagtay sanadkii 2010-kii, iyadoo mudadii ay isla joogeen aanu kala helin wax ubad ah.

Dabayaaqadii 2018-kii, wuxuu u socdaalay jaziiradda Ugunja, halkaasoo la sheegay in ugu dambeyntii laga soo musaafuriyay.

Sikastaba, Garsooraha maxkamadda ayaa amar ku bixiyay in qiimeyn dhamaystiran oo maskaxeed lagu sameeyo Macharia, lana soo gudbiyo natiijadda ugu dambeyn 18-ka bishaan March.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM