Nin qareen u noqday soo celinta dhul aabihii laga boobay isagoo caruur ah

Image

KAMPALA, Uganda – Todobaadkaan hadalhaynta ugu badan ee dalka Uganda waxay tahay Jordan Kinyera, kaasi haatan ah qareen ah, balse ay sheeko ka dambeyso.

Kinyera, oo 23-sano jir ah, ayaa sheegay in ay ku qasabtay in uu mihnadaan galo markii aabihii laga boobay dhul uu lahaa, isaga oo caruur ah.

Dhulka ayaa ku yeelay degmada caanka ah ee Kitgum, taasi oo ku taala waqoyga wadanka Uganda ee bariga Afrika.

Kadib shaqo adag, maxkamada sare ee Uganda ayaa isbuucaan xukmisay in dhulka uu leeyahay aabaha dhalay Kitgum.

"Aad ayaan ugu farax-sanahay, balse waa xanuun, in aan cadaalad raadino wax ka badan 20-sano," ayuu Kinyera u sheegay warbaahinta.

Aabaha dhalay Jordan Kinyera, oo horey u ahaa shaqaale dowladeed ayaa haatan wuxuu jira 82-sano aanan awood u lahayn in uu socdo.

"Casharka aan ka baran karno tani waa in ay mar walba wanaagsan tahay in cadaalad wax lagu radiyo, oo aanan dagaalo iyo rabshado la abuurin," ayuu yiri qof kamida dadka degaanka.

Uganda ayaa kamid ah wadamada qaarada Afrika ku yaala ee muranada dhinaca dhulka ay ku badan yihiin, taasi oo mararka qaar dagaalo ay ka dhashaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM