Nin safar u soo galay "ku biirida" Al-Shabaab oo gacanta lagu dhigay

Image
Maxkamad ayaa ansixisay in xabsi lagu sii hayo 20-casho si baaritaano loogu sameeyo.

NAIROBI, Kenya - Booliska Kenya ayaa baaraya muwaadin haysta dhalashadda Canada oo looga shakisan yahay in uu xiriir la leeyahay argagaxiso, sidda ay ku warantay saxaafadda maxaliga ah.

Latuhunsanaha ayaa la sheegay in uu doonayay in uu si dhuumasho ah ku galo Soomaaliya "si uu ugu biiro Ururka Al Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida".

Elias Abdulhamid ayaa, sidda laga soo xigtey taliska booliska, waxaa laga qabtay xadka Kenya iyo Tanzania gaar ahaan meel u dhow degaanka Lunga Lunga.

Saraakiisha booliiska la dagaalanka argagixisada ayaa maxkamada ka codsaday in xabsiga lagu sii hayo Abdulhamid muddo 20 maalmood ah si ay u dhamaystiraan baaritaankooda.

Xeerbeegtada ayaa meelmarisay dalabka taliska booliska waxaana ay sheegeen in fadhiga dambe ay la yimaadaan caddeymo muujinaya eedaha ay haatan u jeediyeen Cabdixamiid.

Booliiska ayaa sidoo kale waxay xuseen inay hubinayaan magaciisa, dhalashadiisa, iyo taariikh dembiyeedka ka soo caddeeyaan INTERPOL iyo dawladda Kanada.

Sida laga soo xigtay Booliska Kenya, Cabdulxamiid waxa uu sheegay in lagu waayay eedeymihii argagixisanimo ee Masar iyo Mareykanka, sababo la xiriira cadeymo la'aan.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sidoo kale ka codsaday mas'uuliyiinta Kenya in aysan u musaafurin Canada, sababtoo ah waxaa loo haystaa falal la xiriira argagaxisada.

Bisha Janaayo 3-deeda sanadka soo aadan ee 2023-da ayaa lagu waddaa in mar kale uu maxkamad kasoo muuqdo Cabdixamiid xilligaas oo kala caddeyn doono haddii uu Al-Shabaabnimo u socdey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM