Nin Soomaali ah oo Nairobi lacag badan looga dhacay

Image
Booliiska Kenya ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku aaddan arrinkan.

NAIROBI, Kenya - Nin ganacsade Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in magaalada Nairobi looga dhacay lacag badan , iyada oo falkaasi lagu eedeeyay booliiska Kenya.

Ganacsadahan oo lagu magacaabo Maxamed Xaaji ayaa sheegay in booliiska Kenya ay lacagtani ka dhaceen kadib markii uu kasoo sarifay xaafadda Westlands, dhexdana u galeen booliiska nabad gelyada waddooyinka wiilkii lacagta waday, islamarkaasna saarnaa mootada Boda Boda loo yaqaano.

Lacagta waxa ay dhannayn Ksh6 milyan oo lacagta Kenya ah oo u dhiganta $50 kun oo doolar.

Wiilkii lacagta soo sarifay oo u waday xaafadda Islii oo goobta ganacsiga ninkani ku yaalo ayaa la sheegay in lagu afduubtay gaari, lacagtana ay si xoog ah ula wareegeen rag labisan dareeska ciidanka.

Booliiska Kenya ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku aaddan arrinkan.

Dhowaanahan waxaa soo kordhayay dhacdooyinka lacagaha caddaanka ah looga dhacayo Soomaalida oo inta badan aanan adeegsan nidaamka bangiyada, kuna ganacsada lacago caddaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM