ONLF iyo Itoobiya oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah [Akhri Qodobada]

Image

ADDIS ABABA - Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay heshiis ay la gashay Jabhadda xorraynta Ogaadenia ee loosoo gaabiyo ONLF, taasoo in ka badan Tobban sano dagaalo uu ku daatay dhiig fara badan ka waday dhulka Soomaali Gabeed.

Fitsum Arega, oo ah Agaasimaha Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa sheegay in heshiiskaan ay la gaareen ONLF ay qayb ka yihiin Jabhado kale, kuwaasoo wadankaan Geeska Afrika ku yaala ka waday kacdoon dhiig badan oo ku daartay.

Qodobada Heshiiska waxaa kamid ah; Hubka-dhigis, kala diris dagaalyanada ONLF iyo in dhaqan-celin loo sameeyo, kadibna lagu biiriyo Ciidamada dowladda.

Hub ka dhigis iyo dib usoo dhex-gelidda shacabka ayuu sheegay Madaxa Shaqaalaha, Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha dalka Itoobiya inuu ku qotomay heshiiska, isaga oo carabka ku dhuftay in la sameeyay Xafiis, kaasoo ka shaqaynaya dar-dargelinta heshiiskaan.

Wasiirka Ciyaaraha ee dowladda Itoobiya, Tesfaye Yegezu ayuu sheegay Fitsum Arega inuu hogaamin doono mashruuca Hub ka dhigista loogu samaynayo Jabhadda, isagoo daboolka ka qaaday inuu si toos ah u hoos tegi doono xafiiska Abiy Axmed.

Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa wuxuu ku waramayaa in Jabhadda heshiiska ay la gaartay dowladda ay kala yihiin; ONLF, OLF oo ah udagaalamaysa xorraynta Oromadda iyo Patriotic Ginbot 7 [PG7] oo ah urur mucaarad ah oo hubeysan.

Saddexdaan kooxood ayaa weeraro culus ka fulin jiray gudaha dalka Itoobiya, laakiin markii uu Abiy Axmed la wareegay xafiiskii bishii April ee sanadkaan ayuu siyaabo kala duwan kulamo gaar-gaar ah ula yeeshay, taasoo soo dadajisay heshiiskaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM