ONLF oo beenisay in xubno looga qabtey Galmudug

Image

JIGJIGA - Jabhadda ONLF ayaa beenisay warka ku saabsan in xubno iyada ka tirsan oo gaaraya 10 looga qabtay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan degaanka Balan-bale.

War qoraal ah oo lasoo dhigay Twitter-ka ONLF, ayaa lagu sheegay in aan waxba ka jirin hadalka Galmudug, ee ku aadan in Ciidamada maamulkaasi ay gacanta ku dhinteen xubno katirsan ONLF.

Beeninta ayaa timid kadib markii maanta oo Sabti ah uu Taliyaha Saldhiga Booliska ee degmadda Balan-bale ee waqooyiga Galgaduud, Cabdi Muuse Cali sheegay in ciidanka Galmudug ay xireen rag ONLF katirsan. [Halkan ka akhri Warka]

Warar kale oo Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegaya in malleeshiyaad hubaysan ay wateen raggan kamidka ah ONLF, waxaana la ogeyn sababta ay u qaafaasheen iyo halka ay la aadeen.

Galmudug ayaa sanadkii tagey qabatay Cabdikariim Qalbi-Dhagax, oo katirsan Saraakiisha ONLF, kaasii ay dowladda Federaalka u gacan gelisay Itoobita, waxaana xabsiga laga soo daayay dhawaan kadib isbedelkii ka dhacay dalkaasi.

Dhiibistii Qalbi-Dhagax waxay jug weyn gaarsiisey taageeradii dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kala kulantay bulshada cambaareyn xooggan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM