ONLF oo beenisay in xubno looga qabtey Galmudug

Image

JIGJIGA - Jabhadda ONLF ayaa beenisay warka ku saabsan in xubno iyada ka tirsan oo gaaraya 10 looga qabtay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan degaanka Balan-bale.

War qoraal ah oo lasoo dhigay Twitter-ka ONLF, ayaa lagu sheegay in aan waxba ka jirin hadalka Galmudug, ee ku aadan in Ciidamada maamulkaasi ay gacanta ku dhinteen xubno katirsan ONLF.

Beeninta ayaa timid kadib markii maanta oo Sabti ah uu Taliyaha Saldhiga Booliska ee degmadda Balan-bale ee waqooyiga Galgaduud, Cabdi Muuse Cali sheegay in ciidanka Galmudug ay xireen rag ONLF katirsan. [Halkan ka akhri Warka]

Warar kale oo Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegaya in malleeshiyaad hubaysan ay wateen raggan kamidka ah ONLF, waxaana la ogeyn sababta ay u qaafaasheen iyo halka ay la aadeen.

Galmudug ayaa sanadkii tagey qabatay Cabdikariim Qalbi-Dhagax, oo katirsan Saraakiisha ONLF, kaasii ay dowladda Federaalka u gacan gelisay Itoobita, waxaana xabsiga laga soo daayay dhawaan kadib isbedelkii ka dhacay dalkaasi.

Dhiibistii Qalbi-Dhagax waxay jug weyn gaarsiisey taageeradii dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kala kulantay bulshada cambaareyn xooggan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM