ONLF oo cambaareysay "tacadiyo loo geystay" saxaafada Jigjiga

Image
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya ayaa maamulka degaanka ku eedeysay "in uu caburinayo codka shacabka".

JIGJIGA, Somali Galbeed - Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF ayaa ka dhiidhisay wax ay ku tilmaantay "xad-gudubyo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda ee ka howlgasha deegaanka Soomaalida".

ONLF ayaa xustay "in haddii la yareeyo saxaafaddu ay khatar ku noqon doonto dimuqraadiyadda, kana soo horjeeda xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah iyo sharciyada kale ee dalka u yaalla".

Ururkan oo sanado kahor xisbi loo diiwaan-geliyey ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay sida ay wax u socdaan, waxayna ku nuuxnuuxsadeen in arrimuhu ay sii kordhiyeen cabudhinta xorriyadda saxaafadda ee ka jirta deegaanka Soomaalida, taasoo sida uu xisbigu sheegay “Saamayn xun ku leh Saxaafadda iyo iyo xaqa helida macluumaadka".

Ilaa hadda waxaa la sheegay in deegaanka Soomaalida laga mamnuucay 13-ka mid ah warbaahinta madaxa-banaan, taasoo keentay in dad shacab ah oo u ololeynayay xoriyadda ay cambaareeyaan.

Ma cadda sababta ay mas'uuliyiinta maamulka Jigjiga ay dabada uga riixayaan in xayiraadda lagu soo rogay warbaahinta kala duwan ee u qaabilsan wararka gobolka.

Mamnuucida lagu soo rogay warbaahinta ayaa sida ay sheegtay ONLF "waxa ay ka dambeysay ka dib markii ay warbaahintu baahiyeen sida ay dowladdu u dayacday xaaladda abaareed ee sii socota iyo fadeexadaha musuqmaasuqa ee sii kordhaya".

Gobolka ayaa bartilmaameedsanaya xarumaha warbaahinta madaxa banaan. Ururka ONLF waxay mudo dheer u taagneyd xoriyada iyo dhul dimuquraadiyadeed oo ka hanaqaada gobolkan dariska la ah Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM