ONLF oo ka hadashay qorshooyinka u degsan iyo halgankeeda

Image

JIGJIGA - Gudoomiyaha Jabhada ONLF, Maxamed Cumar Cismaan, oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay in aanu marnaba ka tanaasulin hadafkii ay u dagaalamayeen 30-kii sano ee lasoo dhaafay.

ONLF oo dhowaan heshiis la gashay dowlada Itoobiya ayaa u halgalameysa sidii shacabka Soomaali Galbeed ay u heli lahaayeen madax-banaani iyo inay helaan xuquuqdooda siyaasadeed.

Gudoomiyaha ayaa tibaaxay in dhamaan arrimahaan oo dhan ay doonayaan inay ku raadiyaan qaab nabad ah, isaga oo ku nuux-nuuxsaday in maamulka haatan ka jira Itoobiya uu u ogol-yahay waxyaabaha ay doonayaan.

“Halganka sida aan meelo badan ka sheegnay wuxuu ahaa qori-isku-dhiib…Ma aanan tanaasulin, ee waxaanu dooneynaa inaan si nabad ah ku raadino xuquuqda shacabka reer Ogaadeeniya,” ayuu Gudoomiyuhu yiri.

Mar la waydiiyay hadii ay ka qaybgalayaan doorashada degaanka ka qabsoomeysa sanadka 2020-ka ayuu ka gaabsaday inuu si cad ubidhaamiyo mowqifkooda, xili heshiiska uu dhigayo inay dhaqdhaqaaq siyaasadeed sameyn karaan.

“Wixii xuquuq ah nabadgelyo baanu ku raadineynaa,” ayuu mar kale kusoo celiyay markii la su’aalay arrintaan, isaga oo umuuqda mid ka fogaanayay inuu ku lug-yeesho xasaasiyad xoogan oo hadalkiisa ka dhalata.

Gudoomiyaha ayaa muujiyay suurtagalnimadda in isbedal lagu sameeyo guud ahaan Astaamihii Jabhadda ONLF, tusaale ahaan Calanka, inkasta oo uu shuruud uga dhigay inay ogolaansho guud la helo.

“Ururkeena ujeedadiisu ama astaamihiisu waa inay xorriyad, horumar, midnimo iyo wadajirka Umadda…Maamulka degaanka waxaan filayaa inay nagu raacsan yihiin..Federaalkana kama hor-imaan karo,” ayuu raaciyay.

Dadka qaarkood ee ku nool caasimada dowlad degaanka Soomaalida ee Jigjiga ama guud ahaan meelaha ay Soomaalidu degto ayaa si wayn u dhaliilsan magaca ONLF, Gudoomiye Cusmaan ayaa si gaar ah uga hadlay arrinkani.

“Ururkeenu go’aankiisu waa go’aan dadwayne oo midaysan, hadii Ururka isku raaco wixii la bedalayo ama lagu soo kordhinayo..Go’aankeena wuxuu noqon doonaa mid Jabhadeed oo midaysan,” ayuu kaga fal-celiyay.

Ugu dambeyntii, Gudoomiyaha Jabhada ONLF ayaa shaaca ka qaaday talaabada xigta oo ay qaadayaan inay noqoto sidii ay uga shaqayn lahaayeen isku soo dubida Umadda, xili ay haatan ku sugan yihiin magaalada Jigjiga iyo wafdigiisa.Gudoomiyaha ONLF oo ka hadlay inay ka tanaasuleen halgankooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Koongo oo kahor tagay afgambi lagu sameyn lahaa Madaxweynaha

Tani waxay ku soo beegantay iyadoo ay xiisad ka taagan tahay xisbiga talada haya ee Madaxweyne Felix Tshisekedi.

  • Afrika

    19-05-2024

  • 12:12PM

In ka badan 100 caruur agoon ah loo sameynayo aroos wadareed

Talaabadan ayaa carro xooggan waxa ay ka dhalisay guud ahaan waddanka Nigeria.

  • Afrika

    18-05-2024

  • 03:35AM