ONLF oo loo bedalayo Xisbi siyaadeed [Heshiis cusub]

Image

ADDIS ABABA, Eithiopia - Jabhadda xorraynta Ogaadeen ee ONLF ayaa heshiis ka kooban Todoba qobadood waxay la gashay hogaanka cusub ee uu yeeshay dowlad degaanka Soomaalida ee ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Itoobiya.

Qodobadda lagu heshiisay waxaa qayb ka ah in ONLF ay olale siyaasadeed ka bilaabi karto dowlad degaanka Soomaalida, iyadda oo shacabka usoo bandhigeysa aragtidooda siyaasadeed kahor doorashadda 2020-ka ee degaanka.

Heshiiskaan waxaa usaxiixay maamulka Kalinka Shanaad Madaxwaynaha cusub ee dhowaan talada la wareegay Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar], kaasoo balanqaaday inuu degaanka midayn doono.

HOOS KA AKHRI QODOBADA LAGU HESHIIYAY:

1 - In si deg deg ah loo qaado tallaabooyin lagu daryeelayo halgamayaashii ku naafoobay dagaaladii guumaysi-diidka ahaa ee ay ku la jireen TPLF.

2 - In jabhadu ay si xor ah dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed uga biloowdo deegaanka Soomaalida.

3 - In laga fogaado wixii keeni kara isku dhacyo ama keeni kara qalalaase amaan.

4 - In wadahalo mug wayn oo u dhaxeeya dawladda Itoobiya iyo ONLF dhawaan si rasmi ah u bilaabmaan.

5 - In laga fogaado wixii kala geeynaya shacabka deegaanka ama keenaya kala shaki iyo naceyb.

6- In maamulka cusub ee deegaanku kaalin fiican ka ciyaaro in loo fududeeyo ONLF inay si sharci ah barnaamijyadeeda siyaasadeed uga hirgaliso deegaanka.

7 - In maamulka cusub ee deeganku ballan qaado doorashooyin xor iyo xalaal ah kadib marka uu dhamaado xiliga kala guurka ah.

Jabhadda ONLF ayaa waxay dagaalo uu ku daatay dhiig fara badan ay ka waday degaanka Soomaalida eek u hoos jira maamulka Itoobiya iyo 1991-dii, waxaana uu kusoo beegmayaa heshiiskaan xili dhowaan ay ku dhawaaqday xabad-joojin hal dhinac ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM