ONLF oo taageertay Mustafa, fariina culusna u dirtay Abiy Axmed

Image

NAIROBI, Kenya - Jabhadda ONLF ayaa war kaso saartey maanta oo Jimco ah Isbedelka dhanka hogaanka sare ee ka dhacay dowlad degaanka Soomaalida dalka Itoobiya.

Qoraal lagu baahiyay barta Twitter-ka ONLF, ayaa lagu shaaciyay in Jabhadda ay si buuxd u taageertay Madaxweynaha cusub ee DDSI, Mustafa Maxamed Cumar, kaasoo dhalay xisbiga haya talada iyo odayaasha degaanka u doorteen inuu noqdo ku sime.

ONLF ayaa ka dalbatay Mustafa inuu la yimaado isbedel cusub, oo ka duwan midkii Madaxweynihii isaga ka horeeyay ee Cabdi Illey, oo hore loogu eedeeyeen inuu geystay xad-gudubyo ka dhan ah bini'aadanimada, xarig aan sharci ahayn iyo dilal siyaasadeysan.

Dhanka kale, ONLF ayaa ugu baaqdy Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed inaysan wax faragelin ah ku sameynin arrimaha dowlad degaanka Soomaalida, islamarkaana ay kaalin wax dhiseysa ka qaadato arrimaha DDSI.

Mustafa, oo 45 jir ah ayaa lasoo shaqeeyay Hay'addo katirsan UN-ka, iyo Save the Children, waxaana uu horey si aad ah wax uga qori jiray taxadiyadii maamulkii Cabdi Illey, iyadoo taasina uu ku waayay walaalkiisa oo sanadkii tagey lagu dilay DDSI.

Mudane Mustafa oo aan xubin ka ahayn xisbiga haya talada DDSI ee ESPDP, ayaa loo doortay inuu sii hogaamiyo DDSI illaa laga qabanayo doorashada 2020-ka, waxaana uu awoodda kala wareegayaa Axmed Cabdi Maxamed [Ilkacase] oo labo todobaadka xilkan soo hayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM