ONLF oo war kasoo saartey khilaaf Cagjar iyo dowladda dhexe ee Itoobiya

Image

JIGJIGA - Ururka ONLF ayaa soo saarey war-saxaafadeed uu uga hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan xilligan maamulka Soomaalida Itoobiya iyo dowladda Federaalka dalkaasi.

ONLF ayaa ugu baaqday xisbiga haya talada dowlad degaanka iyo Xukuumadda Abiy Axmed inay ixtiraamaan rabitaanka iyo sharafta shacabka Soomaalida, islamarkaana ka fogaadaan wax walba oo dhaawacaya xasiloonida.

"Dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobalka Ogaden waxay xaq u leeyihiin inay u madax-banaanadaan maamulka arrimahooda siyaasadeed iyo is-xukunka, oo u ogolaanaya dastuurka Itoobiya iyo sharciga caalamiga ah," ayaa lagu yiri qoraalka ONLF.

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed inuu ka dhabeeyo balan-qaadkiisii hore ee ahaa in xukuumadiisu ilaalinayso xuquuqda dimoqraadiyadeed ee dhamaan shacabka dalkiisa, si simana siyaasadda looga qeybgelinayo.

Ururkan oo hogaankiisa iyo ciidankiisa dhawaan dib ugu laabtey Itoobiya kadib heshiis nabadeed oo ka dhacay Asmara sanadkii tagey ayaa qorsheynaya inuu ka qyebgalo doorashooyinka dowlad degaanka Soomaalida.

"Khilaafaadka siyaasadeed waa in lagu xalliyaa hab hufan oo dhammaan dhinacyada lagala tashanayo," ayuu yiri ONLF, oo intaas ku daray in dhinacooda ay go'an tahay ka qeyb-qaadashada nabadda iyo dimoqraadiyadda DDSI iyo guud ahaan dalka Itoobiya.

Ugu dambeyntii, ONLF ayaa ugu baaqday xisbiga talada haya ee DDSI inuu ku xaliyo wixiii khilaafaad gudaha ah qaab is-fahan ah oo ku dhisan hanaan hufnaan ah, oo loo wada dhan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM