Qarax culus oo ka dhacay dalka Kenya [Fahfaahin]

Image

LIBOI - Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaya Qarax Miino oo lala eegtay Kolanyo ay la socdeen ciidamada Booliska Kenya, xilli ay marayeen magaalada Liboi, oo ku taalla xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Qaraxa oo ahaa mid aad u culus ayaa lagu dilay Shan Sarkaal oo Boolis ah, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo xaaladoodu halis tahay, sida uu xaqiijiyay, gudoomiye ku xigeenka Degmada Dhadhaab Harun Kamau.

Harun ayaa sheegay in xiliga la beegsanayey Askarta ay ku jireen Roondo amni oo ay ka wadeen deegaanada Xadka Soomaaliya ku teedsan.

"Weerarka oo dhacay subaxnimadii Arbacada waxaa lagu beegsaday saraakiil Roondo caadi ah ku jirtay, nasiib daro Shan sarkaal ayaa naftooda ku weysay, saddex kalena waa dhaawac," ayuu Harun u sheegay Daily Nation.

Weerarkan ayaa ka dhacay saddexda subaxnimo Tuulada Harar oo ka tirsan Liboi, taasoo dhowr mitir u jirtay xudduuda. Kamau ayaa sheegay in askarta dhaawaca soo gaarey loo duuliyay magaalada Nairobi si loogu daaweeyo.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa daboolka ka qaaday in askar loo diray halkaas si ay u daba-galaan xubnihii Al-Shabaab ee weerarka fuliyay, kuwaasi oo loo maleynayo inay usoo gudbeen dalka Soomaaliya

Kenya ayaa ka dhacay weeraro badan ay kusoo qaadey Al-Shabaab tan iyo markii ciidamadeeda ay usoo dirtay Soomaaliya 2011 si ay Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ugu biiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM