Qaraxyo ka dhacay Hotel ku yaalla Nairobi iyo rasaas la maqlay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Qaraxyo xoog leh oo xigtay rasaas ayaa laga maqlay Hotel lagu magacaabo Dusit oo ku yaalla magaalada Nairobi, ee caasimadda dalka Kenya.

Booliska ayaa sheegay in baabuur badan oo taallay banaanka Hotel-ka Dusit oo ah dhismo dhowr qeybood ka kooban oo ku yaalla aagga ganacsiga ee loo yaqaano "14 Riverside drive" ee xaafadda Westlands, Nairobi.

Qof ku jira dhismaha ayaa sheegay in Hotel-ka uu ku socdo weerar, islamarkaana ay maqlayaan rasaas dhacaysa, taasoo loo malaynayo inay ridayaan rag hubeysan oo goobta soo weeraray.

Ciidamada gaarka Kenya ayaa goobta la geeyay, waxaana soconaya gurmad loo sameynayo in lagu soo badbaadiyo dadka gudaha ku xanniban, waxaana jirin cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka.

Dhowr qof oo arday ay ku jiraan ayaa lasoo badbaadiyay, iyadoo dad badan ay ku dhuumaaleysanayaan gudaha.

Kooxda weerarka soo qaadey ayaa la sheegay inay ku yimaadeen dhismaha gaari Taargo number-kiisu yahy KCN 340E, kuwaasoo qaraxa kadib gudaha u galay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM