Weerar ka dhacay Kenya iyo fahfaahino laga helayo

Image
Image

LAMU, Kenya - Sarkaal katirsanaa Booliska Kenya ayaa lagu dilay, labo kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaarey weerar gaadmo ah oo Al-Shabaab ay ku qaadey Gaari Land Cruiser ah oo ay wateen xilli ay marayeen degaanka Milihoi oo katirsan gobolka Lamu.

Sida ay sheegayaan illo ku dhaw Booliska, Gaariga lagu weeraray wadada xilli uu kusoo laabanayay Saldhig Boolis oo ku yaalla magaalada Mpeketoni kadib markii uu geeyay maxaabiis tuulada Hindi.

Dagaalyahano hubeysan ayaa jidka u galay ciidamada waxaana goobta ka dhacay dagaal toos ah oo socday mudo 30 daqiiqo ah, kaasoo dhexmaray Booliska iyo xoogaga Al-Shabaab.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa dab-qabadsiiyay gaariga Land Cruiser-ka ah, iyo mid kale oo la socday kadib markii ay ka carareen Askartii la socday, oo mid kamid ah dagaalka looga dilay, 2 laga dhaawacay.

Waxyar kadib waxaa goobta soo gaarey ciidamo kale oo katirsan milateriga Kenya oo howlgallo sameeyay, iyagoo dabagal ku sameeyay kooxdii weerarka soo qaadey, oo la dheegay inay dhanka Soomaaliya usoo gudubtay.

Horaantii bishaan ayay ahayd markii qarax Miino oo ka dhacay Xadka Soomaaliya iyo Kenya lagu dilay Tobaneeyo saraakiil Booliska Kenya kamid ah, halka dhaawaca uu kor-udhafaayo Shan sarkaal.

Tan iyo markii Kenya ay ciidamada usoo dirtay Soomaaliya 2011, waxaa dalkaasi, gaar ahaan gobolka waqooyi bari ka dhacayay weeraro ay geysanayso Kooxda Al-Shabaab, ee fadhigeedu yahay Soomaaliya.  

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM