Qaraxyo gilgiley Caasimadda Uganda iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

KAMPALA, Uganda - Labo qarax oo waaweyn ayaa saakay ka dhacay magaaladda Kampala, ee Caasimadda dalka Uganda, kuwaasoo geystay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyada ayaa ka kala dhacay nawaaxiga Xarunta Baarlamaanka iyo Saldhigga dhexe ee Booliska Kampala, waxayna dhaceen xili dadka ay shaqooyinka u kala ordayeen subixii.

“Ma garanayno inta qof ee ku dhimatay qaraxyada. Laakiin, waxaan arki karnaa hilbo bini'aadan, oo ku daadsan wadada oo dhan iyo dadka qaar oo dhaawacmay,” ayuu yiri wariyaha NTV Byaruhanga oo goobta kasoo hadlayay.

Lama oga illaa hadda nooca qaraxyada, balse booliska ayaa goobta xiray oo baaritaan haya, iyadoo dhanka kale dhaawacyada loo qaadey Isbitaallada Kampala, sida ay kusoo waramayaan goobjoogiyaasha.

Kulankii Baarlamaanka Uganda ayaa Maanta dib loo dhigay, iyadoo ay jirto cabsi ah in qaraxyo kale ay ku jiraan magaaladda, oo lala damacsan yahay meelaha muhiimka ah Caasimadda dalkan ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Bishii lasoo dhaafay, qarax ayaa ka dhacay meel baar ah oo lagu caweeyo, waxaana ku dhintay hal qof, iyadoo saddex kale ay ku dhaawacmeen. Museveni ayaa weerarka ku tilmaamay fal argagaxiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM