Qaraxyo khasaaro sababay oo ka dhacay magaalada Bujumbura

Image
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa Twitter-ka ku sheegtay in weerarada ay ka dambeysay "argagixiso aan la aqoonsan".

BUJUMBURA, Burundi - Qaraxyo sababay dhimashada ugu yaraan shan qof iyo dhaawaca 50 kale oo ka dhacay magaalada ugu weyn Burundi ee Bujumbura habeenimaddii Isniinta todobaadkan aan ku jirno.

Ra'iisul wasaaraha iyo shaqaale caafimaad ayaa xaqiijiyey dhacdooyinkan oo qeyb ka noqonaya weeraro is xigxigay oo muddooyinkii dambe ka dhacayay waddanka ku yaal bariga Afrika.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegtay in "argagixiso aan la aqoonsan" ay mas’uul ka yihiin. Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarada bambaanooyinka gacanta laga tuuro.

Laba qarax oo bam gacmeed ayaa lagu dhuftay goob baabuurta la dhigto oo ku taalla bartamaha magaalada, sida ay sheegeen toddoba goobjooge, halka qaraxa saddexaad uu ku dhacay suuqa Jabe ee xaafadda Bwiza, sida uu sheegay goobjooge kale.

Nin saarnaa bas uu ku qarxay bam gacmeed ayaa sheegay inuu arkay meydada saddex qof oo ay ku jirto haweeney. "Qaraxa ayaa ka dhaawacmay lugta," ayuu u sheegay Reuters isagoo sugaya daaweyn.

"Waxaan arkay dad dhinac walba u ordaya, qaar u gurguuranaya si ay u helaan dabool," ayuu yiri goobjooge ku sugnaa goobta qaraxa labaad ka dhacay oo ah meel baabuurta la dhigto.

Mar uu booqday dhaawacyada isbitaalka ku jira, ra’iisul wasaare Alain-Guillaume Bunyoni ayaa xusay in weerarrada ay ku dhinteen afar qof, wuxuuna ballanqaaday in dowladda ay caawin doonto kuwa dhaawacmay.

Axaddii asbuucan ayay ahayd markii weerar bambaano oo ka dhacay caasimada maamulka ee Gitega ay sababeen dhimashadda laba iyo dhaawaca tirro kale, sida ay kusoo warantay warbaahinta maxaligan ee waddankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM