Qof kale oo ku dul dhintay Kenya Airways

Image

NAIROBI- Shirkadda diyaaradaha Kenya ayaa markale sheegaysa in uu dhintay qof rakaab ah oo diyaaradda saarnaa, waxayna arrintani noqonaysaa mid soo noqnoqotay.

Shirkadda ayaa sheegtay in qof rakaab ah ay neefta ku ceshoontay isaga oo duulimaad u kala gooshayay Nairobi iyo Mombasa, markii la yimid garoonka Jomo Kenyatta na ay dhaaaatiirta xaqiijiyeen in uu mayd yahay.

Todobaadyo ka hor ayay ahayd markii labo qof oo rakaab ah xiliyo kala duwan ay sidan oo kale ugu dul dhinteen diyaaraddan oo isaga gooshaysay New York iyo Nairobi.

Lama oga sababta keeneysa arrintani la yaabka leh, balse durba waxa ay abuurtay welwel weyn oo ku saabsan badqabka diyaaradan.

Weli ma jiro baaritaan rasmi ah oo lagu sameeyay arrinkan, iyo cid sharaxaad dheeri ah ka bixisay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM