Qoysaska dhibanayaashii Ethiopian Airlines oo mudaaharaaday

Image

ADDSI ABABA, Ethiopia - Qoysaska dhibanayaasha shilka diyaaradeed ee Ethiopian Airlines kaasi oo dhacay Axadii ayaa dibadbax ka dhigay Huteel ku yaalla caasimada Itoobiya, maanta oo Khamiis ah.

Banaanbaxayaasha ayaa ka cabanaya in aan loo kala caddeynin hidasidaha [DNA-ga], oo ay sameeyeen masuuliyiinta.

Qaar kamid ah waxay sheegayaan in aysan helin wax jawaab ah kadib markii ay la kulmeen madaxda shirkada diyaaradeed ee Ethiopian Airlines.

"Waxay noosoo waceen si ay noo siiyaan warbixin iyo sababta dhalisay shilka balse ma aanan helin wax macluumaad ah," ayuu yiri mid kamid ah dhibanayaasha, sida ay kasoo xigatay warbaahinta.

Talaadadii, afhayeenka Ethiopian Airlines, Asrat Begashaw, ayaa sheegay in sababta keentay in ay dib u dhacdo xogsiinta dad kale ay tahay iyada oo uu socdo nidaamka aqoonsiga.

"Waxaa loo baahan yahay xaqiijin dhab ah…marka in aan kala caddeyno waxay qaadan kartaa bilooyin," ayuu raaciyay.

Xeel-dheere la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in sababta nidaamka adkeysay ay tahay rakaabka oo isaga kala yimid 35 wadan, islamarkaana ay Itoobiya awood u lahayn inay si fudud u aqoonsato.

Sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta, 157 qof oo la socotay diyaarada ayaa dhintay musiibadaasi kuwaasoo 6 kamid ah ay Soomaali ahaayeen.

Diyaarada soo dhacday oo ay far-sameysay shirkada Boeing oo Mareykanka laga leeyahay ayaa waxaa hoos u dhacay maqaamka shirkadaasi markii wadamo kale ay hawadooda ka mamnuuceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM