Ra'iisul wasaaraha Suudaan oo eryay taliyeyaal ciidan

Image
Tallaabadan ayaa timid kadib markii 40 qof lagu dilay howlgal ka dhan ah banaanbaxyaasha diidey afgembiga.

KHARTUUM, Sudan - Ra’iisul wasaaraha dowladda Sudan, Cabdalla Xamduuk, ayaa wuxuu bedelay taliyayaashii booliska ee dalkaasi, sida ay ku warantay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Suudaan.

Tallaabadan ayaa waxay timid kadib markii in ka badan 40 qof lagu dilay howlgal ka dhan ah dibadbaxyada dimuqraadiga ah ee ka dhashay afgambi militari bishii hore.

Taliyaha ciidamada General Abdel Fattah al-Burhan ayaa 25-kii Oktoobar kala diray dawladdii ku meel gaarka ahayd ee dalka iyada oo ciidamada ammaanku ay xidhxidheen daraasiin siyaasiyiin ah, oo uu ku jiro Hamdok, iyo dadka u dhaqdhaqaaqa.

Cambaareyn caalami ah iyo mudaaharaadyo ballaaran ka dib, Al-Burhan wuxuu dib ugu soo celiyay ra'iisul wasaaraha heshiis 21-kii Nofembar kaas oo ay ku gacan sayreen dhaqdhaqaaqa dimoqraadiyadda ee dalka oo ka soo horjeeda ku lug lahaanshaha militariga ee siyaasadda.

Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa sheegay in ugu yaraan 42 qof la dilay iyadoo ciidamada ammaanku ay doonayeen inay burburiyaan toddobaadyo ay socdeen mudaaharaadyadii afgambiga lagaga soo horjeeday.

Hadalka dhakhaatiirta ayaa wuxuu kusoo aaday iyadda oo mudaaharaadyadu ay sii socdeen xitaa ka dib markii Hamdok laga sii daayay xabsi guri oo uu ku soo laabtay shaqadiisa usbuucii hore.

Sabtidii, Hamdok ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu shaqada ka eryay agaasimihii guud ee booliska, Khaled Mahdi Ibrahim al-Emam iyo ku xigeenkiisii, Cali Ibraahim.

Bedelkooda, wuxuu u magacaabay Anan Hamed Mohamed Omar oo uu ku xigeen u ahaa Abdelrahman Nasreddine Abdallah. Isbedelkan waxaa loo arkaa mid ugu gogol-xaarayo in uusan mar kale xabsi gelin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidan Itoobiyaan ah oo ka gudbay xadka Kenya iyo xiisad dagaal oo ka dhalatay

Warbixin rasmi ah oo laga diiwaangeliyay Saldhigga Booliska Moyale (OB No. 32/22/11/2025) ayaa tilmaamaysa in ciidamada Kenya Police.

  • Afrika

    23-11-2025

  • 12:44PM

Nigeria: 303 Arday iyo 12 Macallin oo La Afduubay, Warbixin Cusub oo La Soo Saaray

Ardayda la afduubay waxay yihiin wiilal iyo gabdho da’doodu u dhaxayso 10 ilaa 18 sano, sida ay sheegeen Saraakiisha amniga.

  • Afrika

    23-11-2025

  • 06:25AM