Ra'iisul wasaaraha Suudaan oo xabsi guri la dhigay

Image
Wararka ayaa sheegaya in talaabadan ay la xiriirto afgembi kale oo ay sameeyeen ciidamadda.

KHARTUUM, Suudaan - Ciidamada ammaanka Suudaan ayaa ra’iisul wasaare Cabdalla Xamduuk u kaxeeyay meel aan la garanayn kadib markii uu diiday inuu soo saaro bayaan uu ku taageerayo afgambiga socda, sida ay sheegtay wasaaradda warfaafintu, iyadoo askartu ay sidoo kale xireen dhowr xubnood oo ka tirsan hoggaanka rayidka ah ee dalkaas.

Hadalka wasaaradda ayaa yimid saacado kadib markii TV-ga Al-Hadath ee fadhigiisu yahay Dubai uu sheegay in ciidamada ay hareereeyeen guriga ra’iisul wasaaraha ayna dhigeen xabsi guri.

"Kadib markii uu diiday inuu qeyb ka noqdo afgambiga, cutubyo ka tirsan ciidanka ayaa xiray ra’iisul wasaare Cabdalla Xamduuk waxayna geeyeen meel aan la garanayn,” ayay tiri wasaaraddu.

Saraakiisha kale ee rayidka ah ee xabsiga la dhigay waxaa ka mid ah Wasiirka Warshadaha Ibrahim al-Sheikh, iyo barasaabka caasimadda Sudan ee Khartoum, Ayman Khalid, sida laga soo xigtay ilo qoys oo la hadlay Al Jazeera.

Ragga ayaa laga soo saaray guryahooda ka hor waaberigii, ayay tiri gabadha al-Sheekh iyo xaaska Khaalid kuwaasoo aanan bixin tafaasiil kale oo ku saabsan halka la geeyay.

Wasiirka warfaafinta Xamza Baloul, la-taliyaha ra’iisul wasaaraha, Faysal Maxamed Saalax, iyo afhayeenka golaha talada haya ee Suudaan, Mohammed al-Fiky Suliman, ayaa sidoo kale la xiray.

Suudaan ayaa qarka u saarnayd tan iyo markii afgambigii dhicisoobay bishii la soo dhaafay uu ka dhex qarxay aargoosi qadhaadh oo u dhexeeya milatariga iyo kooxaha rayidka ah ee la doonayey in ay kala qeybsadaan awoodda kaddib markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii muddada dheer ee dalkaas Cumar Al-Bashiir oo haatan  xabsi ku jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM