Rabshadihii Jigjiga oo ku fidey magaalo madaxda labaad ee Itoobiya

Image

DIRIR DHAWE, Itoobiya - Rabshadihii ka dhacey maalintii shalay magaalada Jigjiga ayaa sida wararka aan ku heleyno waxay ku fideen magaalada labaad ee ugu weyn dalka Itoobiya halkaasoo ay wada dagan yihiin qowmidiyaha Soomaalida iyo Oramada.

Rabshadhii ka dhacey Jigjiga ayaa waxaa boob loo gaystey ganacsiga qowmiyadaha kale ee dagan magaaladaas kuwaasoo lagu diley dad gaaraya 30 qof oo u badan dadka aan Soomalida ahayn.

Warsidaha Garowe Online oo khadka taleefanka kala hadlay qof kamid ah dadka Soomaalida ee dagan magaaladaas ayaa noo sheegey in xaalada cakiran tahay iyadoo rabshaduhu ka socdaan xaafadaha ay kala dagan yihiin labadaan Qowmiyadood. Wararka ayaa xusaya in dad Soomali ah guryo ay daganayeen dab la qabadsiiyey kuwasoo halkaas ku geeryoodey.

Gadiidka Dab-damiska ayaa u gurmadey xaafadahaasla gubey waxayna ku howlan yihiin sidii xaalada u dajin lahaayeen.

"Magaalada Dire Dawa  ayaa waxaa soo gaarey goor hore Booliiska Federaalka waxay isku dayayaan in xaalada dajiyaan oo u muuqata mid faraha kasii baxeysa." sidaas waxaa Garowe Online u sheegey qof dagan magaalada Dire Dawa.

Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oramada ayaa horey ugu dagaalamay degaanada ay wadadagan yihiin kuwasoo ku yaal magaalooyin u dhexeeya Dire Dawa iyo Jigjiga halkaas oo dhimasho iyo barakac-yo badan ka dhaceen.

Rabsshadahaan ayaa kor u kacey tan iyo intii xilka RW loo doortey Abiy Axmad oo ka soo jeeda qowmiyada Ormada. Abiy ayaan weli ka hadal xaaladaha kasoo kordhay dalka Itoobiya gaar ahaan degaanada Soomaalida iyo Oramada.

Related Articles

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM

Masar iyo Eritrea oo Ballanqaaday inay Itoobiya kahor istaagayaan Badda Cas

Madaxweyne el-Sissi, oo khudbad ka jeediyay July 7, ayaa sheegay: “Ciddii isku dayda inay wiiqdo madax-bannaanida Soomaaliya.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 07:52PM