Raila Odinga oo dowladda William Ruto ku tilmaamay "sharci darro"

Image
Hogaamiyaha mucaaradka Kenya ayaa shaaca ka dhigay in aysan aqoonsan doonin maamulka madaxweynaha xilka haya.

NAIROBI, Kenya - Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga oo ay soo xigatay wakaaladda Reuters, ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay iska caabiyaan dowladda madaxweyne William Ruto.

Odinga oo looga adkaaday doorashadii ugu dambeysay ee qabsoontay sanadkii lasoo dhaafay ayaa sheegay in "la xaday sharciyaddii codeyntii ay u dareereen dadweynaha Kenya bishii August".

Isbaheysiga Kwanza ee uu hoggaamiyo Ruto ayaa guul dirqi ah ka gaaray Odinga, waxaana guushiisa ay taageertay maxkamadda sare, wallow mucaaradka ay ka hor-yimaadeen.

Labada hoggaamiye oo tobanaan sano ku gacan-sareeya dalka ugu dhaqaalaha badan Bariga Dhexe ayaa aad isku-xakameeyay intii uu socdey ololaha wallow ay hawada isku-mariyeen eedeymo.

Ruto iyo Odinga ayaa ku dadaalay xasilloonida ka dib tartankii doorashada, laakiin isbahaysiga Odinga waxa u sheegay toddobaadkii hore inay heleen caddaymo cusub oo "wax isdabamarin ah".

"Ma aqoonsan karno, mana aqoonsan doono maamulka Kenya Kwanza, waxaana u aragnaa xukuumadda Kwanza mid aan sharci ahayn," ayuu Odinga ka sheegay banaanbax dhacay Isniinta maanta ah.

Ruto, oo sheegay in go’aanka maxkamadda sare uu caddeeyey guushiisa, ayaa waxa uu Odinga ku eedeeyay inuu maleegayo inuu dumiyo maamulkiisa isagoo ku baaqay dibadbaxyo.

Codbixintii qabsoontay bishii Ogosto ee sanadkii hore 2022-kii ayaa si dhow isha loogu hayey iyadoo ay ugu wacan tahay muranno ka dhashay tartamo hore oo horseeday dhiig daata.

In ka badan 1,200 oo qof ayaa lagu dilay doorashadii 2007 ka dib, 2017, in ka badan 100 qof ayaa la dilay kadib markii maxkamadda sare ay laashay natiijadii ugu horreysay sababo ku aadan "khaladaad".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM