Sanduuqa madow ee burburka diyaarada Itoobiya oo la helay

Image
Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Kadib baadigoob la sameeyay waxaa lagu guuleystay in la helo sanduuqa madow ee burburka diyaaradda Ethiopian Airlines ee shalay soo dhacday.

Shilka oo ka dhacay meel 60 KM u jirta magaaladda Addis Ababa ayaa la xaqiijiyay in ay ku naf-waayeen 157 ruux oo saarnaa diyaaradda, taasoo ka dhigan inaanu cidna badbaadin.

Dadka musiibaan ku geeriyooday oo kasoo kala jeeda 33 dal ayaa lix kamid ah waxay yihiin Soomaali haysatay dhalashada wadamada kale.

Talafishinka ku hadla afka dowlada Itoobiya ayaa ku waramaya in sanduuqa madow uu yahay midka duuba codadka.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay shirka diyaaradeed, waxaa sidoo kale la helay muuqaal duubaha diyaaradda.

Sanduuqa madow ee la helay ayaa waxaa soo gaarey dhaawacyo yar, waxaana baarayaasha ay tibaaxeen in ay raadin doonaa xogta ku jirta gudahiisa.

Baarayaasha oo ka kala socda Mareykanka, UK, China iyo dalal kale ayaa ku howlan in ay soo bandhigaan sababta dhabta ah ee ka dambeysay burburka diyaaradda.

Diyaarada Ethiopian Airlines oo ay sameysay shirkada Boeing 737 MAX 8 ayaa xiliga ay soo dhaceysay kusii jeeday magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Shilkaan ayaa su’aal geliyay heerka isku haleyn ee diyaaradaha ay sameyso shirkadda Boeing ee laga leeyahay Mareykanka.

Shan bilood kahor, meel ku dhow dalka Indonesia waxaa shil ku gashay diyaarad kale oo ay sameysay Boeing, halkaasoo dad badan ay ku dhinteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM