Shir uu Farmaajo ka qeybgali lahaa oo baaqdey

Image

UGANDA - Dowladda Uganda ayaa dib u dhigtay Shir madaxeedka IGAD oo la filayay in Maanta, Nov 15 ka furmo Caasimadda dalkaas, ee Kampala.

Lindah Nabusayi, oo ah agaasimaha warfaafinta Madaxweyne Museveni ayaa u sheegtay wariyeyaasha in Shirka dib loo dhigay mudo todobaad ah.

Waxaa lagu casuumey madax uu kamid yahay Farmaajo, waxaana ajandaha shirka uu ahaa in looga hadlay xaaladda Sudan iyo dagaalka Itoobiya.

Lama oga sababta baaqashadda Shirka IGAD ee Uganda, balse wuxuu kusoo aadayaa xili gobolka Geesks Afrika uu booqasho ku imaanaya Blinken.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Blinken ayaa booqasho ku tagaya Kenya, isagoo Uhuru kala hadli doono colaadda Itoobiya ka socoto.

Uhuru ayaa shalay tagey Addis Ababa, wuxuuna lasoo kulmay Abiy Axmed, iyadoo wararka ay sheegayaan inuu fariin uga soo qaadayay Blinken kahor inta uusan ku qaabilin Nairobi Maanta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM