Itoobiya oo fashilisay weerar, mas'uuliyiina u xirtay musuq

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Xeer-ilaaliyaha Guud ee Itoobiya ayaa shaaciyay in Booliska ay soo qabqabteen shaqsiyaad qorsheynayay weerar agagixiso.

Berhanu Tsegaye oo aanan magac-dhabin koox gaar ah ayaa markii la waydiiyay in uu carabaabo ayuu daaha ka rogay.

"Shaqsiyaadka aan qabanay ee qorsheynayay weeraro agagixiso ayaa qaarkood xiriir la leh urur caalami ah oo gobolka ka jira," ayuu yiri.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warantay in kooxda weerarada abaabuleysay ay tahay Al-Shabaabka ka dagaalanta Soomaaliya.

"Dadka waxaa lagu qabtay howlgalo ay si wadajir ah u sameeyeen ciidanka Booliska iyo kuwa sirdoonka," ayuu hadalkiisu ku daray.

Geesta kale, dacwad oogaha guud ee Itoobiya ayaa intaasi ku daray in ku dhowaad 60 ruux loosoo qabtay tuhun ku saabsan musuq-maasuq.

Xeer-ilaaliyaha ayaa dabolka ka qaaday in tuhmanayaasha ay ku jiraan shaqaalo kamida hay’addaha dowlada, mas'uuliyiin iyo maal-gashato.

"Waxa is-dabamariyeen fulinta mashruucyo iyo nidaamkooda," ayuu xusay, isaga oo ku daray "Baaritaanka wuxuu socday saddex bilood."

Dadka lasoo xiray ayaa ka dambeysay markii la waayay 23.7 milyan oo birta Itoobiya ah oo loogu talogalay in lagu soo iibiyo 400 mitir oo qamadi ah.

Xubnaha laga soo xiray hay’adda Iskaashiga Dhismaha Shaqada Biyaha ayaa looga shakisan yahay in ay ku tagrifaleen mashruuc ay ku baxeyso 55 milyan oo bir.

Sikastaba, mas'uuliyiintaan ayaa lagu wadaa in ay maxkamad lasoo taago, isla markaana lagu waado eedaymaha loosoo jeediyo, talaabo qayb ka ah la dagalaanka musuq-maasuqa oo uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed balanqaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM