Sidee ONLF u aragtaa go'aankii Liiska Argagaxisada looga saaray?

Image

NAIROBI, Kenya - Jabhadda ONLF ayaa soo dhaweysay xeer cusub ee uu meel-mariyay Khamiistii Baarlamaanka Federaalka Itoobiya, kaasoo looga saaray liiska argigixisadda, oo dowladii hore ee Addis Ababa ku dartay.

Afhayeenka ONLF, Cabdiqaadir Xasan Hirmooge oo wareysi siiyay Laanta Afka-Soomaaliga ee VOA-da ayaa shaaca ka qaaday in talaabadaan ay tahay mid dhanka wanaagsan loo qaaday, ayna ku farxeen.

Mar wax laga waydiiyay waxa ay ka yeelayaan go'aanka horey uga soo baxay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo urur argigixiso ugu aqoonsatay ONLF, ayuu ku jawaabey "waa go'aan aan macno sameyneynin".

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata, soo hadal-qaaday socdaalka Qalbi Dhagax ee Kenya ayaa sheegay inuu sii joogi doono wadanka, islamarkaana uusan hadda qorshaha ugu jirin inuu Muqdisho tago, maadaama ay tahay meeshii lagu shirqooley.

"Hadda Muqdisho, waxaa ka talisa dowladii marka hore iibsatay, laakiin maba ahan qorshaheena inuu dhawaan tago Muqdisho ama Soomaaliya, dib ayaan kasoo sheegi doonaa qorshiisa," ayuu hadalkiisa ku daray Afhayeenka ONLF.

Hadalka Hirmooge ayaa kusoo beegmaya xilli ONLF ay ku dooratay Gudoomiye shirka uga soconaya wadanka Eritrea, gaara ahaan magaalada Asmara, kadib doorasho ka dhacday.

Mohamed Omar Osman, oo xilkaasi horey u hayay ayuu Hirmoogge shaaciyay in mar kale loo doortay inuu sii hogaamiyo illaa sanadka soo aadan oo xilheynta Ururka ay tahay, illaa laga gaarayo doorashadda xigta.

Hirmoogge ayaa sheegay in wax ka bedal lagu sameeyay qaab dhismeedkii Jabhadda ONLF, islamarkaana lagu soo kordhiyay Xogheyn, islamarkaana la meel-mariyay sharciga cusub.

Gaba-gabadii, mar uu si gaar ah u dul-istaagay qorshaha ay waddo dowladda Itoobiya, kaasoo ay Shidaal uga soo saareyso dhulka Soomaali Galbeed, ayuu ayiday go'aanka ONLF, ee lagu shaaciyay inay kasoo horjeedaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya: Gabdho Soomaali ah oo lagu qabtay $560,000 oo false ah

Saraakiisha DCI-ga ayaa sheegay in lacagta been abuurka ah ay ku jirtay xaalad aad u adag oo dadka qaarkiis aysan si fudud u garan karin.

  • Afrika

    30-08-2025

  • 05:43PM

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM