Sidee shacabka Jigjiga u arkaan soo laabashada ONLF? [WAREYSI]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

JIGJIGA - Waxaa magaalada Jigjiga shalay ku laabtey wafdi uu hogaaminayo hogaamiyaha ONLF, Admiral Maxamed Cumar Cismaan, kaasi oo ay wehliyaan mas'uuliyiin sare oo Jabhadda katirsan, kuwa heer Federaal iyo Madaxweyne Mustafa Cagjar.

Shacab wayn aad u badan oo kumanaan lagu qiyaasay, ayaa isagu soo baxay Garoonka Kubadda Cagta ee magaalada Jigjiga, kuwaasoo sitay calanka ONLF, kuna dhawaaqayay erayo soo dhawayn ah.

Dadka ku nool DDSI ayaa u arkay soo laabashada ONLF, hogaankeeda iyo ciidankeeda sanado badan kadib tallaabo loo qaadey dhanka nabadda iyo horumarka degaanada ay Soomaalidu degan tahay.

Hogaamiye Maxamed Cumar iyo wafdigiisa oo uu ku jiro Madaxwayne Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar] ayaa kasoo duulay magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya, halkaasi oo ay gaareen shalay oo Sabti ah.

Afhayeenka Jabhadda ONLF, Hirmooge Cadaani, oo socdaalka wafdiga la hadlay ayaa wuxuu ku tilmaamay mid taariikhi ah, isaga oo carabka ku dhuftay in soo laabashadooda ay qayb ka tahay isbedal xoogan oo degaanka ka dhacaya.

“Maanta waxaa meesha ka dhacaysa waa taariikh,” ayaa laga soo xigtay Cadaani Hirmooge, kaasi oo wareysi siiyay VOA-da laanteeda afka Soomaaliga, isaga oo qayb ka ahaa wafdiga gaarey Jigjiga.

Afhayeenka ayaa iclaamiyay inay qaban doonaan shir-weyne dib u heshiisin ah, islamarkaana ay wadahadal la galayaan dowladda Federaalka Itoobiya, oo ay kawada xaajoonayaan arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo kaalintooda dowlad degaanka.

Malleeshiyaadka ONLF ayaa horey ugu laabtey Jigjiga, kuwaasoo kasoo guurey saldhigyadoodii ay ku lahaayeen mudada dheer gudaha wadanka Eritrea, kadib heshiiska nabadda ee Xukuumadda Addis Ababa iyo Jabhadda.

Arrimahaan oo dhan ayaa ka dambeeyay markii heshiis nabadeed ay wada gaareen Itoobiya iyo ONLF, bishii October ee sanadkaan, taasi oo dhalisay markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu nabad ugu baaqay Ururada hubeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM