Sidee shacabka Jigjiga u arkaan soo laabashada ONLF? [WAREYSI]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

JIGJIGA - Waxaa magaalada Jigjiga shalay ku laabtey wafdi uu hogaaminayo hogaamiyaha ONLF, Admiral Maxamed Cumar Cismaan, kaasi oo ay wehliyaan mas'uuliyiin sare oo Jabhadda katirsan, kuwa heer Federaal iyo Madaxweyne Mustafa Cagjar.

Shacab wayn aad u badan oo kumanaan lagu qiyaasay, ayaa isagu soo baxay Garoonka Kubadda Cagta ee magaalada Jigjiga, kuwaasoo sitay calanka ONLF, kuna dhawaaqayay erayo soo dhawayn ah.

Dadka ku nool DDSI ayaa u arkay soo laabashada ONLF, hogaankeeda iyo ciidankeeda sanado badan kadib tallaabo loo qaadey dhanka nabadda iyo horumarka degaanada ay Soomaalidu degan tahay.

Hogaamiye Maxamed Cumar iyo wafdigiisa oo uu ku jiro Madaxwayne Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar] ayaa kasoo duulay magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya, halkaasi oo ay gaareen shalay oo Sabti ah.

Afhayeenka Jabhadda ONLF, Hirmooge Cadaani, oo socdaalka wafdiga la hadlay ayaa wuxuu ku tilmaamay mid taariikhi ah, isaga oo carabka ku dhuftay in soo laabashadooda ay qayb ka tahay isbedal xoogan oo degaanka ka dhacaya.

“Maanta waxaa meesha ka dhacaysa waa taariikh,” ayaa laga soo xigtay Cadaani Hirmooge, kaasi oo wareysi siiyay VOA-da laanteeda afka Soomaaliga, isaga oo qayb ka ahaa wafdiga gaarey Jigjiga.

Afhayeenka ayaa iclaamiyay inay qaban doonaan shir-weyne dib u heshiisin ah, islamarkaana ay wadahadal la galayaan dowladda Federaalka Itoobiya, oo ay kawada xaajoonayaan arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo kaalintooda dowlad degaanka.

Malleeshiyaadka ONLF ayaa horey ugu laabtey Jigjiga, kuwaasoo kasoo guurey saldhigyadoodii ay ku lahaayeen mudada dheer gudaha wadanka Eritrea, kadib heshiiska nabadda ee Xukuumadda Addis Ababa iyo Jabhadda.

Arrimahaan oo dhan ayaa ka dambeeyay markii heshiis nabadeed ay wada gaareen Itoobiya iyo ONLF, bishii October ee sanadkaan, taasi oo dhalisay markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu nabad ugu baaqay Ururada hubeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Koongo oo kahor tagay afgambi lagu sameyn lahaa Madaxweynaha

Tani waxay ku soo beegantay iyadoo ay xiisad ka taagan tahay xisbiga talada haya ee Madaxweyne Felix Tshisekedi.

  • Afrika

    19-05-2024

  • 12:12PM

In ka badan 100 caruur agoon ah loo sameynayo aroos wadareed

Talaabadan ayaa carro xooggan waxa ay ka dhalisay guud ahaan waddanka Nigeria.

  • Afrika

    18-05-2024

  • 03:35AM