Siduu u dhacay shilkii diyaaradeed ee uu ku dhintay duuliyihii Ruto?

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan shan ruux ayaa ku geeriyootay markii shil diyaaradeed uu ka dhacay gobolka Turkana ee dalka Kenya.

Dadka dhintay waxaa kamid ah duuliyihii diyaradda Helicopter-ka ee uu leeyhay Madaxwayne ku xigeenka Kenya, William Ruto, kaasi oo lagu magacaabi jiray Mario Magonga.

Afarta qof ee kale ayaa la sheegay inay ahaayeen dalxiisayaal Ameerikaan ah, kuwaasi tamashleyn ugu socday harada Lake Turkana Central Island ee isla gobolkaasi

Wali lama xaqiijin goorta uu shilku dhacay iyo sababta dhabta ah ee ka dambeysa burburka diyaaradda, iyada ay mamnuuc tahay in habeenkii ay duusho diyaarad.

Diyaaradda burburtay ayaa ahayd nooca qumaatiga u kacda ee loo yaqaano Helicopter. Magonga ayaana ahaa duuliyaha gaarka ah Madaxwayne ku xigeenka Kenya, William Ruto.

Sawirro iyo muuqaalo laga soo qaaday goobta uu shilku ka dhacay ayaa muujinaya in gabi ahaanba diyaarada ay burburtay.

Khuburada duulista hawada ayaa tilmaamaya in burburka diyaaradda ay keentay kadib cilad farsamo oo ku timid, inkasta oo aan la hubin waxay ahayd.

Mas'uuliyiinta gobolka ayaa shaaciyay in ay baaritaan ku bilaabeen waxa dhaliyay shilka, iyagoo diiday in ay fahfaahin ka bixiyaan dhacdadaan sida ay ku timid.

Ma ahan markii ugu horeysay oo shil diyaaradeed uu ka dhaco Kenya, inkasta oo in-dhowaanahaan aanan lasoo warin dhacdooyinka noocaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM