Sohdinta dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo dib loo furayo

Image
Maamulkii Farmaajo ayaa meel hoose gaarsiiyey cilaaqaadka diblumaasi ee labada dal.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo kamid ah madaxda ka qeyb-gashay xafladda caleemo-saarka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu ka jeediyay ku sheegay inay furayaan xudduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale tilmaamay in horumarka Kenya uu ku xiran yahay horumarka Soomaaliya, maadama ay yihiin labada dal oo deris ah.

“Kenya waa walaal aad ku tashan kartaan,” ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo khudbad ka jeediyay xafalada caleemo-saarka madxaxweynaha Soomaaliye, Xasan Sheekh Maxamuud.

Kenya ayaa kamid aheyd dalal uu xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya uu si weyn u xumaaday intii uu tallada dalka hayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya ee xiligaan uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa meesha ka saareysa siyaasadiisa kala jecleysiga ee lagu saleynayay xiriirka arrimaha dibedda.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa markale isla unkumaya xiriir diblumaasiyadeed wanaagsan, ayada oo labada dhinac ay muujiyeen niyad-sami iyo inay diyaar u yihiin ka wada-shaqeynta danaha labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM